Ganacsatada Qaadka Muqdisho oo sheegay inay joojinayaan qaadka uga yimaada Kenya

Muqdisho (RH)- Qaar ka mid ah ganacsatada Qaadka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay joojinayaan Qaadka uga yimaada waddanka Kenya iyadoo taa baddelkeedana u wareegaya suuqyo kale oo ku yaalla gobalka sida Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Qaadka Kenya ka keena Qooje Maxamuud Qayliye oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in laga billaabo maanta oo Talaado ah ay joojiyeen ganacsatada Soomaaliyeed qaadkii ay ka keeni jireen Kenya.

“Laga billaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeena, badeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo Siyaasad ah waxaan u dhaafnay Dowladda Soomaaliya, qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga qaadleyda Soomaaliyed Qooje Maxamuud Qayliye.

Qayliye ayaa sheegay markii horre diyaaradaha qaadka ee ka yimaada Kenya dalka waxba ka siiqaadaan bal dhaqaale aye qaadijireen, balse diyaaradaha Itoobiya ka imaanaya ay hadda dib qaadayaan Khudarad iyo Kalluun looga baahan yahay ay dib ugu celin doonaan dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa daba socota iyadoo weli aan xal laga gaarin khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale, diyaarad qaad sidda oo ka timid dalka Itoobiya ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana afartii maalin ee la soo dhaafay Muqdisho soo gaaryay qaadka la yiraahdo Hareeriga ee ka yimaada dalka Itoobiya.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa si weyn looga isticmaalaa Qaadka Miirooga ee ka yimaada dalka Kenya.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category