Garoonka Stadium Muqdisho oo maanta dib loo furayo

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in si rasmi ah xarriga looga jaro garoonka kubadda cagta Muqdisho Stadium, oo muddo dhowr iyo toban sanno ahaa aan wax kubad ah lagu cayaarin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu goordhow xarriga ka jaro dib u dhiska garoonka.

Garoonka Muqdisho Stadium, ayaa iminka lagu sameeyay dayactir, kaddib markii uu burbur xoog leh soo gaaray tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladdii kacaanka.

Kooxaha Horseed iyo Muqdisho oo ah kuwa ugu sareeya xagga dhibcaha horyaalka Soomaaliya ayaa galabta foodda isku dari doona garoonka waa markii ugu horreysay oo lagu cayaaro garoonkan tan iyo 2014-kii.

Garoonka kubadda cagta Muqdisho, oo ka mid ah tuulada spotiga ee Muqdisho Stadium, ayaa waxaa dib u dhiskiisa iyo qalabeentiisa ay billaabatay wax yer uun kaddib markii ay ka guureyn cidaamada Uganda ee qeybta ka ah howgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada ajnebiga ayaa garoonka ku sugnaa intii u dhexeysay 2011-kii illaa 2018-kii, waxaana dib u dhiska garoonka ku baxay in ka badan labo malyuun oo dollar oo inta badan ay bixiyeen Midowga Yurub iyo dowladda Norway.

Garoonka oo la dhisay sannadkii 1977-dii, ayaa hadda u diyaarsan inuu martigaliyo cayaaro caalami ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category