Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah.

Hargeysa(RH):-Mudanayaasha Golaha Guurtida JSl ayaa maanta ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lambar 31/2020, oo kaabis iyo wax kabedel ay ku sameyeen mudanayaasha Golahaasi.

Fadhigan golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golahaasi Siciid Jaamac Cali ayay Goluhu  warbixin ka dhegeystay Xildhibaan Jirde Siciid Maxamud, oo Gudoomye u ahaa Guddi loo xil saaray inay kaabis iyo wax ka badal ku sameeyaan xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaanu sheegay gudoomiyuhu qodobada wax kabedelka iyo kaabista ku sameeyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin qodobada 1aad illaa 6aad ee xeerka Shaqaalaha Rayidka ah.

Fadhigaa waxa sugnaa 43 xildhibaan, ansixinta xeerkaasna waxa ogolaaday 41 xildhibaan, 1 xildhibaan wuu diiday, cid ka aamustay may jirin, halaka aanu gudoomiyuhuna aanu codayn.

Sidaana waxaa golaha guurtidu ay ku ansixiyeen xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Xeer Lambar 31/2020.

.

 

Category