Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood ka yeeshay Dhaqaalaha Dalka

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada  Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa soo gebo-gabeeyay dood ay ku lafo gurayeen dhaqaalaha dalka iyo sidii bulshadu ay xoogga u saari lahayd tacabka waxsoosaarka ee Beeraha.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida ee Somaliland oo uu shirguddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi  Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood dheer ka yeesheen dhaqaalaha iyo wax-soosaarka beeraha ee dalka,  iyagoo soo jeediyay in dalagga waddanka xoogga la saaro si looga maarmo cuntooyinka waddanka dibaddiisa laga keeno.

sidoo kale waxay mudanayaashu ku doodeen in khayraadka ku jirra badda Somaliland laga faa’ideysto isla markaana laga illaaliyo shisheeyaha guranaya, si taasi ay u soortawdana la taageero ciidamada illaalada xeebaha ee Somaliland oo loo dhammaystiro waxii qalab iyo taageero ah ay u baahan yihiin, si ay u sugaan guud ahaan badda Somalialnd.

Dhanka kale, mudanayaashu waxay soo jeediyeen in maciishadda oo maalmihii u dambeeyay kor u kac samaysay ay mas’uuliyiinta baanka Somaliland iyo ganacsatadu ay wax ka qabtaan, si aanay sicir barar u dhicin 

Category