Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta ku shirey Hab Online Ah + Sawiro

Hargeysa(RH):- Qaar ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta ku shiray Hab Online ah, cabsida Coronaha Awgiis, waxayna ka wada-hadleen ka hortaga Xanuunka Covid-19.

Wasiirka Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiwali Sheekh  Cabdillaahi Suufi ayaa maanta daah-furay Shirkaasi Golaha wasiiradda Somaliland ee maanta ku qabsoomay Habka  Online ah.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technoolojiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa faahfaahin ka bixiye qorshaha hanaanka Onlin-ka ah ee qaar ka mida goluha wasiiradu ay ku shireen “Waxaa maanta noo suuragashay in aanu tijaabino nidaam aanu ugu talo galney inay ku shaqeeyaan laamaha dawlada ee kala duwan, haday yihiin wasaaraddaha, hay’addaha madaxa bannaan, iyo qaybaha kale ee dawladduba.

Habkaasi oo maqal iyo muuqaala, maantana waxaa uu ahaa shirkii koowaad oo aanu tijaabiney, qaabka uu u shaqeynayo oo dhammaan ay wasiiraddu ka soo wada qayb galeen, dhab ahaantiina si fiican ayuu u dhacay, wasiiraduna aad iyo aad ayay u bogaadiyeen, marka waxaa uu dadaalkani ka mid yahay u diyaar garowga iyo ka hortaga xannuunkan soo baxe la yidhaaho Covid-19, oo adduunka saameyn badan ku yeeshay”

Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Wasaaraddu iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo ee ay Qaranka u heyso, waxaa ay diyaarisay qaab ay dhammaan lamaha dawlada oo dhami ku shaqeyn karaan, hadii ay noqoto in golaha wasiirado kale ku kulmo, hadii ay noqoto in guddiyada gaarka ah ee golaha wasiiradda ka tirsani ay ku kulmi karaan, iyo sidoo kale wasaaraddaha iyo hay’adduhu iyagu gudahooda ay ku shaqeyn karaan, iskuna maqli karaan iskuna arki karaan, xogtana at ku wadaagi karaan, maanta waxaa aanu ku bilownay wasaaraddaha, waxaana noogu xiga hay’addaha madaxa bannaan oo shaqooyin mihiima u haya Qaranka gobolada dalkana waanu u soo socona”

 

1g

 

2g3h

 

45

 

Category