”Gudiga qiimeynta Lacagta caydhu waxay ku jiraan laba daran mid dooro” wasiirka shaqada ee wadanka Denmark

                               "Ydelseskommission står foran et diabolsk dilemma" Peter Hummelgaard

RK. Kolding Wasiirka shaqada ee wadanka Denmark Peter Hummelgaard  ayaa isniintii todobaadkii hor saxaafada ku qoray maqaal kusoo baxay qeybta dooda dadweynaha ee wargeyska caanka ah ee BT kaas oo uu kaga  waramayey  shaqada wasaaradiisa hortaala iyo go’aamada uu qaatay .

Fariinta wasiirka oo ka koobneynd hal bog ayaanu nuxurkii ay xambaarsaneyd halkan idiinku soo gudbinaynaa.

Waxaanu ku bilaabey sidan:- Denmark waa dal qaniya oo lagu dhisay nimaamka barwaaqo sooranka oo macnihiisu yahay in ay bulshadu taageerto qofka iyaga kamidka ah ee ay la soo daristo duruuf awoodiisa ka wayn oo aan u saamaxeyn in uu  masruufo naftiisa iyo ta qoyskiisa.

Hadaba shabagaas bulshada ee kii dhibaateysan in lagu caawiyo la rabey sannadihii u dambeeyay xeerarkiisa waa  la adkeeyay, waxaana aynu aragney in ay dhibaato weyni ka dhalatey adkeyntaas , qaarkamid ah qoysaskii uu qabtay sharciga kontanthjælpes loft ( xadeynta xadiga ugu badan dhaqaale ee qof lagu cawinkaro) waxa uu xanuujiyey duruuftii  dhaqaale ee qoysas badan, halka uu ka  caawiyey tiro kooban oo iyagu  shaqo tagay.

Dawladu waxa ay dhistey gudi kasoo talo bixinaya nidaam cusub oo loo sameyndoono xeerarka lagu qaato lacagta caydha . Talo bixinta laga rabaa waa mid cad oo dhiiri galinaysa in uu qofku shaqo tago oo uu is masruufo, dhanka kalena waa in qofka aan shaqo haysan lasiiyo dhaqaale macquula oo uu ku noolaankaro mudada kumeel gaadh ah ee uu shaqada raadsanayo.

Sidoo kale waa in ay gudidu taageeraan qoshaha dawlada ee ah in caruurta wadanka Denmark ku nooli ay xaalad wanaagsan ku koraan si ay ugu suurto gasho in ay ka qeybqaataan aktifiteetka bulshada sida sportiga iwm.

Caruurtu waa in aaney sugin inta uu gudigaasi shaqada ku jiro, sidaas darteed ayaanu laga bilaabo habeenka sannadka cusub, sameynay qorshe ku meelgaadh ah oo taageero dhaqaale lagu siinayo qoysasaka caruurta leh ee ay xoog u xanuujisay xakameyntii ay sameysay dawladii taayada ka horeysay.

 Waxaanu rajeynayaa in ay caawimadaas ka faaideysan doonaan caruur tiradoodu gaadheyso 27,900 , talaabadani waa xal ku meelgaadh oo loogu talogaley in uu maareeyo dhibaato taagan oo kadis ah.  Waxa ugu wanaagsen ee aanu rabnaa waa in aabaha iyo hooyaduba shaqeystaan oo is masruufaan iyagoo ugu yaraan niyada u dhisaya caruurtooda si ay ugu farxaan markey arkaan waalidkood oo shaqo tagaya.

Ma dooneyno in aanu gabi ahaanba sharcigan kontanthjælps luftka qaadno oo aanu soo celino qaabkii hore  ee sababey in dad badani iska qaataan lacagta caydha wakhti aan xad laheyn islamarkaasina uu aad u yaraa farqiga dhaqaale ee u  dhaxeeya qofka fadhiya iyo kan kalahaya ee shaqeysta, sidoo kale ma rabno in ay qosaska caruur haysta ee kunool dalkani  dhex dabaashaan duruufo dhaqaale oo aad u liita

”Waa arin ah laba daran mid dooro taas oo  ay hada ufadhigaan  gudigan cusubi sidii ay u maareyn lahaayeen.

 

Ma aha hawl fudud waxa ay ka fikirayaan nidaam cusub oo badala kan hada ee Kontakt hjælpsloft, kaas oo faaiido u kordhinaya qofkii shaqo taga, kan aan shaqeynina caawinaya inta uu ka helayo shaqo mudo xadidan si  marka shaqo uu helo uu  ( Sanduuqa caymiska shaqo la,aanta ) A kasse  isaga caymiyo .

Waxa ay dawladu kutaagnaaneysaa go’aankii hore ee ahaa in aanu qofku Denmark u imaanin si uu lacag buuxda oo ah tan caydha uqaato isla maallinta uu soo galo, waa in qofka lagu abaal mariyo wixii uu bulshada ku darsado. Aasaaska barnaamijkeena barwaaqa sooranku waxa uu waligiiba ahaa in xuquuqda aad leedahay ay la socoto waajib lagaa rabo, mana badalayno taas balse waanu sii xoojinaynaa.

Tusaale waxaa noqonkara haweenka ajanabiga ee dalkan joogey 15-20 sanno ee waligoodba in ay lacagta caydha qaataan uu qorshahoodu ahaa, sidaasi awgeed dawladu way adkeynaysaa waajibaadka laga rabo qaxoontiga iyo soogalootiga aan dalkan  dhexgallin ,waxaanu rabnaa in la hawl galiyo 37 saacadood todobaadkii, waana in uu nidaamkan cusubi qorshahaas la jaanqaado.

Waxa aan gudigan madax  uga dhigay isna iga ogolaadey Professor Torben Tranæs waanan ku faraxsanahay maadaama oo uu ka mid yahay dadka hormuudka ah ee uu dalkani ku dhaato marka laga hadlayo arimaha bulshada iyo  shaqada.

Hada waxa ay nu siinaynaa Toben iyo kooxda la shaqeynaysa sannad buuxa oo ay ku soo bandhigaan qorshe cusub oo aynu kufaro adeygno  kaas oo badali doona kan hada, isla markaasina dhiiri galinaya in ay dadku shaqatagaan.

 

XUSID . Doodan wasiirka waxaa lagu soo daabacay inta badan wargeyska kasoo baxa dalka Denmark , dadweynuhuna aad ayey figradooda uga dhiibteen, adiga maxey kula tahey?

 

Waxaa tarjumey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category