Hambalyada xildhibaanada soo baxay iyo kuwa hadhey ee haneeyay una hambalyeeyay.

Doorashadii ka dhacdey Somaliland waxay qortey taariikh cusub iyo bislaanshiiyo siyaasadeed, taas waxaa  markaati u ah, sida quruxdabadan ee xisbiyada loogu tartamey, sida wanaagsen ee loo garsoorey iyo sida la isugu haneynayo lana isugu hambalyeynayo guusha,

Waxa kale oo ay qortay taariikhdu siyaasiyiinta qaar oo dadka codkooda ku waydiisanayey balanqaad waxqabad ,kartidooda iyo dadaalkooda taas oo la rajeynayo  mustaqbalka in ay Meesha ka saarto codka  shacbiya ama ka siyaasiga oo qaab  guracan lagu dooni jiray sida laaluush, arinkan dambe waxaa Tusaale u ah Barkhad J. Batuun iyo Cabdikariin Axmed Mooge , oo aan leeyahay Hambalyo gaara iga gudooma Alle na ha idinku asturo xilka iyo balanqaadkii aad umadiina usameyseen.

Taladeyda xildhibaanada soobaxay.

Waxaan kula talinayaa saaxiibada kula jira golayaasha in ay ixtiraamaan kuna taageeraan  codkooda tirada badan ee ay kusoo baxeen   iyo fariinta ay labadaas xildhibaan xambaarsanyihiin , waayo waxey xaq u leeyihiin in aynu tijaabino  fullinta wixii ay shacbiga ubalan qaadeen intii ay ololaha ku jireen.

Fariintayda shacbiga

Mida u dambeysaana uguna muhiimsani waa fariinta aan shacabka u dirayo oo ah  dadkaa geesi lagu yahey hadii aad rabtaan in siyaasiyiintu rumeeyaan riyadiina waxa ay u baahanyihiin taageeradiina,  bixinta cashuurta si idinka la idiinku soo celiyo oo wax idiinku qabto, ilaalinta nabadgalayada, in aad dulqaad muujisaan marka la saxayo  wixii qaldamey sida dadka dhulka danta guud ku habsadey, kuwa wadooyinka degay , kuwa xidhay iliiladaha biyo mareenka  iyo guud ahaan kuwa wiiqey bilicda magaaladeenii aynu jeclayn, waxaa laga yaabaa hadii aad dadkaas kamid taahy in ay marka hore kudamaqdo talaabooyinka laqaadi doono , laakiin waxaa hubaal ah in adiga iyo tafiirtaaduba aad u aayi doontaan maxsuulka soobaxa,  waxaan kugu dhiiri galinayaa muwaadin  in aanad laaluush ku bixin wax aad xaq uleedahay iyo in aanad laaluush ku doonin wax aanad laheyn.

Ugu dambeyn Hambalyo Xildhibaanada soo baxay iyo kuwa hadheyba, ogona  mudane /marwooyin Somaliland ayaa guuleysatey duniduna way idin eegaysaa maana.

Wabilaahi tawfiiq.

Wq. Tafatiraha Radio Hormuud

Mohamed-Amin Siyaad Aw Cabdi

Category