Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Oo Hirgalisay siyaasada Hagista Shaqaalaha

Hargeysa(RH)Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa soo gabo-gabaysay samaynta siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah kobcinta iyo maamulka cudduda shaqaalaha Dawladda, Siyaasadahan iyo hageyaashan oo ay mudo badan soo socotay  samayntoodu, ayaa waxaa madasha ka hadlay masuuliyiin iyo khubaradii gacanta ka gaystay diyaarinta siyaasadaha iyo hagayaasha lagu dhaqayo  shaqaalaha dawladda Jamhuuriyada Somaliland halkaas oo ay ku bogaadiyey shaqaalaha kala duwan ee dawladda in  rejo iyo iftiin u bilowday.

 

Cabdi Aadan Diiriye, Suleiman Jirde, Iid Cali Salaan iyo Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Guleid Hagoog oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood xusay muhiimada siyaasadahani u leeyahiin;  kor u qaadida shaqada, kobcinta shaqaalaha iyo xakamaynta loo shaqeeyaha.

 

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaarke Axmed Muxumed oo madasha soo xidhay ayaa hadalo hambalyo, guubaabo iyo mahadcelin isugu jira madasha ka jeediyey isaga oo xusay in ay maanta guulaysteen shaqaalaha dawladdu maadama ay yeesheen siyaasado iyo hagayaal wax badan ka tari doona shaqada ay qaranka u hayaan isaga oo dhankiisa xusay in ay qaranka maanta kow u tahay helitaanka adeeg bixiyeyaal ku qalabaysan hab iyo hannaan wanaagsan

 Siyaasadaha iyo hagayaasha loo sameeyey shaqaalaha dawladda ayaa kala ahaa.

 

1-       Siyaasadda Shaqo qorista, Xulashadda iyo magacaabida Shaqaalaha Dawladda

2-       Siyaasadda   Anshaxa iyo hab-dhaqan wanaaga Shaqaalaha  Dawladda

3-       Siyaasadda iyo habka Dalacaaddaaha, bedelista, ergiska iyo Jiheynta shaqaalaha Dawladda

4-       Siyaasadda Unkida  Ilaalinta Qaabdhismeedka Hay’adaha Dawladda

 

5-       Siyaasadda, maamulka iyo Anshaxmarinta Shaqaalaha,  Dawladda

 

6-       Siyaasadda Fasaxyadda Shaqaalaha Dawladda

 

7-       Siyaasadda Maareynta Kaydka Xogta  Shaqaalaha Dawladda

 

8-       Siyaasadda Maareynta  Cabashada iyo -tabashooyinka   Shaqaalaha Dawladda

 

9-       Siyaasadda Hanashadda Shaqaalaha Dawladda

 

10-Siyaasadda iyo habka aasaasida  iyo Baabinta Xafiis-yada shaqo

 

11-Hagaha  Qiimeynta Hawl-qabadka iyo Abaal-marinta  Shaqaalaha Dawladda

 

12-Hagaha Kartida Kaalin Shaqo

 

13-Hagaha Tilmaanta iyo Tusaaleynta Shaqaalaha Dawladda

 

14-Hagaha Tababarka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladda

 

15-Hagaha Hannaanka  Koboca iyo  Horumarinta Shaqaalaha Dawladda

 

16-Hagaha  Qorshaha Carbinta iyo laylinta Shaqaalaha Dawlada

 

 

Isku soo wada duuboo siyaasadahan iyo hagayaashan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee tan iyo 1996-kii loo sameeyo shaqaalaha dawladda JSL halkaas oo ay meesha ka saari doonto murano badan oo marmar soo kala dhex gela shaqaalaha dawladda iyo madaxda hay’addaha dawladda sida oo kalena shaqaalaha dawladda siin doonta xuquuq waxa ay leeyihiin halka ay  farayaan    waajibaadka shaqo iyo anshax ee looga baahan yahay shaqaalaha dawladda

 

Category