Imaaraadka oo kuleyl dartii roob aan dabiici ahayn sameystay

Dubai waxay maraysaa xilli adag oo xaalado cimillo oo aad u daran ah. Dalka Imaaraadka Carabta waxaa aad u sareysa heer-kulka oo gaaraya 50 digrii Fahrenheit kaasi oo khatar gelinaya nolasha in ka badan 3 milyan oo qof oo ku nool magaalada.

Dhawaan dalka Canada in ka badan 500 oo qof ayaa la soo sheegay inay u dhinteen kuleylka.

Si looga fogaado waxyeelada noocan ah Imaaraatka ayaa iyada oo loo sii marayo waaxda cimilada waxay la timid teknoolojiyad yareyn karta heerkulkaas, farsamadaasina waa soo saarista roob aan dabiici ahayn.

Waaxda cimilada ee dalkaasi ayaa barta ay internetka ku leeyihiin waxay toddobaadkan soo dhigeen muuqaal muujinaya roobkan aan dabiiciga ahayn ee macmalka ah oo ka da'ayay meelo badan iyadoo dadku ay sii wateen noloshoodii caadiga ah, waxaana la arkaayay gawaarida oo dhex maraya waddooyinka waaweyn oo biyo dhex fadhiyaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa loo diray daruuraha jiifka ah ee duleedka magaalada Dubai si ay u hirgeliyaan tikniyoolajiyadda oo hadda la tijaabinayo.

Sidee tiknoolajiyadan u shaqeysaa?

Sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada Imaaraatka waxaa la soo saaray,diyaarado Drone-s ah kuwaas oo lagu rakibay awood koronto oo gaar ah.

NKHI

Diyaaradahu markay cirka u baxaan ee ay daruuraha gaaraan ayey ku sii dayaan maayad, danabka ka dhasha maayaddaas ayaa daruuraha culays saara oo isku ururiya oo wax ka bedela qaabka dhismeedkooda.

Isbedelkaas ayaa waxa ka dhasha in uu kordha cufka qoyaanka ku jira hawada iyo daruuraha oo noqda roob marka dambe dhulka ku soo da'a oo aan waxba kaga duwanayn sida roobka caadiga ahi uu u da'o.

Prof Maarten Ambaum, oo ah khabiir ku xeel dheer mashruucan roobkan aan dabiiciga ahayn, ayay BBC u sheegay in mashruucan iyo mashaariicda kale ee roobka macmalka ah, gaar ahaan xilligan kuleylaha uu faa'ido badan leeyahay.

"Markay dhibcahaani isu yimaadaan oo ay weynaadaan, way soo dhacaan, markay dhacaan waxay sameeyaan qoyaan dhulka ku soo daata sida roobka," ayuu yiri.

Ma sahlan tahay in roob aan dabiici ahayn la sameeyo?

Cilmi baarayaashu waxay muujiyaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan noocan tikniyoolajiyadda roobka, laakiin inbadan waxay isku raacsan yihiin inay qaali tahay qarash badana u baahan tahay in la gaaro himilooyinka roobka lagu baadi-goobayo.

Dowladda Imaaraatka Carabta,waxay mudnaan siisay mashaariicda noocan oo kale ah waxayna u qoondeysay dhaqaale lagu taageerayo hirgelintiisa.

Sanadkii 2017, Dowladda Imaaraadku waxay $ 15 milyan ku qarash gareysay 9 mashruuc oo lagu taageerayo soo saarista roobka macmalka ah.

Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Reading ayaa ka mid ah khubarada gacanta ku haysa mid ka mid ah mashaariicdan.

Maadaama celcelis ahaan roobka Imaaraadka sannadkii ka da'aa uu yahay 100mm, ayaa dalku waxa uu doonayaa in uu helo xaddi intaa ka badan.

xigasho BBC

Category