Imaaraadka oo Soomaaliya ku darey liiska dalal uu kaxiyirey in ay dalkiisa soogalaan.

RH: Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta UAE  ayaa markale xayiraad cusub ku soo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya, sida ay maanta baahisay  warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa waxaa sababay soo laba kacleynta cudurka Coronavirus .

Wadamada uu saameynayo go’aankan cusub ee Imaaraadka ka soo baxay ayaa ka mid ah Somalia, Kenya, Yemen, Iran, Iraq, Pakistan, Afghanistan, Syria iyo Turkiga.

Xayiraada la saaray wadamadan ayaa la sheegay inay socon doonto illaa amar dambe lamana shaacin xilliga ay ku egtahay.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay muwaadiniintoodu xidhiidhka ganacsi la leeyihiin , waxaana la sheegay in go’aankani  uu siwayn usameyn doono muwaadiniinta Soomaalida ee u safra dalkaas.

Soomaaliya ayaa ka mida ah dalalka uu ku soo laba kacleeyey xanuunka Covid-19, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda Soomaaliya.

Category