Imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland oo markii ugu horreysay gabdhaha ay kaalmo wanaagsan ka galeen

Garowe (RH)-Natiijooyinka imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland ayaa maanta oo Arbaca ah la shaaciyay, waxaana kaalmaha horre galay gabdhaha taasoo ah tallaabo horrey looga baran.

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan ay natiijo fiican ka keeneen gabdhaha taasoo muujineysa in ay gabdhuhu dadaalayaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Khadar Saciid Salaad oo ka soo baxay dugsiga sare ee Boosaaso uu kaalinta koowaad ka galay imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland,waxaa kaloo kaalinta labaad gashay Aasiya Cabdirisaaq Xirsi oo ka soo baxday dugsiga sare ee Goldogob.

Waa gabadhii ugu horreysay ee kaalinta labaad gashay inta la ogyahay taarikhda iskuulada sare ee Puntland.

Imtixaanka waa sannadkan u fadhiistay arday tiradooda lagu sheegay 5,kun oo arday.

Gabdhaha ayaa sannadkan kaalmo wax ku ool ah ka galay imtixaanka waxaana 10 ugu horreeya saddex ka mid ah ay ahaayeen gabdho.

Radio Hormuud

Studio3

Mogadishu Somalia

Category