Internet-ka oo ka go'an bariga Ethiopia kaddib rabshado ka dhacay halkaas

Addis Ababa(RH)-Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, waxaa go'an Internetka bariga waddanka Itoobiya, kaddib markii rabshado ay halkaas ka dhaceen, sidaas waxaa Arbacadii sheegay dadka deeganka.

Arrimahan waa mid ka mid ah caqabadaha soo wajahay ra'iial wasaare Abiy Ahmed iyadoo dalka qeybo badan ay ka taagan dareen ah xagga qoymiyadaha.

Qof u hadlay dadka Oromada ayaa sheegay in magaalada Harar uu ka go'an yahay qadka Internetka muddo saddex cisho.

Waa markii ugu horreysay tan iyo markii baarlamaanka uu xayiraadii dhinaca degdeg uu dalka ka qaaday bishii June.

Afhayeenka dowladda Axmed Shide kama jawaabib sababta loo jaray qadka Internetka.

Rabshado ayaa Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarrunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, waxaa la boobay oo la dhacay hanti ay lahaayeen dadka laga tira badan yahay ee magaalada ku nool, ciidamada ammaanka waxa ay toogteen afar qof, sida goobjooge u sheegay wakaaladda Reuters.

Ethiopia, waa waddan ay ku nool yihiin 100 million qof, sidaas oo ay tahay waa mid ka mid ah waddamada ay dowladda maamusho taleefonka sidoo kale waxa ay gacanta ku heysaa qadka Internetka.

Xiggasho: Reutres

Category