Isbeddelka warbaahinta Soomaalida DDSI

Jigjiga (RH)-Tan iyo markii meesha laga saaray maamulkii horre ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya eee mjaraha u hayay Cabdi Maxamuud Cumar waxaa deeganka ka dhashay isbeddelo waaweyn oo badan gaar ahaan arrimaha bulshada.

Waxaa maamulka hadda ka arrimiya deeganka uu oggolaaday in deeganka ay ka howlgalaan warbaahinno si gaar ah loo lee yahay.

Sidoo kale waxaa deeganka booqda weriyayaal ka socda warbaahinta caalamiga kuwaasoo markii horre aan loo oggolaan jirin.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, Suurow Maxamed Cabdulle oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in isbaddalka dimuquraadiyadeed ee guud ahaan ka dhacay dalka Itoobiya uu sidaas oo kale isna ka dhacay deeganka Soomaalida oo ay oggolaadeen xorriyadda hadalka.

Waxa uu sheegay in ay ruqsadda shaqo siiyeen illaa sagaal Telefishan oo ah kuwa maxalli ah oo dhammaantood laga lee yahay dalka Soomaaliya iyo labo Wargeys oo ay furteen dhallinyaro deeganka ah.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay dhiirigalinayaan in dadka deeganka ay furtaan warbaahinno ay lee yihiin sida Idaacaddo iyo Telefishanno kuwaasoo gudbiya horumarada ka socda deeganka Soomaalida Itoobiya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta DDSI ayaa xusay in waxa la diidan yahay ay tahay in warbaahinta madaxa bannaan ay buunbuuniyaan warar qatar ku ah amniga guud ee dowlad deeganka Soomaalida ama warar dadka ku kala abuuraya shaki.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category