Iskuulka Sare ee Vaughan oo loo beddelayo Hodan Naaleeye Secondary School

York (RH)-Warsidaha The Star.com, ayaa qoray kaddib bilooyin lagu muransanaa sida laga yeelayo magaca iskuulka Vaughan, waxaa hadda la isku raacay in loo bixiyo Hodan Naaleeye Secondary School.

Ururada bulshada madow ee degmada York ayAA 10 ka mid ah waxa ay u codeeyeen iskuulkan magaciisa hadda loo beddelo Hodan Naaleeye oo door weyn ku lahayd in carruurta degmada wax la barro.

Dhammaan marka laga reebo laba wakiil oo ka tirsan Guddiga Dugsiga Degmada ee York waxay u codeeyeen in loogu magac darro dugsiga Hodan Nalayeh.

Iskuulkan ayaa markii horre loo bixiyay Benjamin Vaughan oo ahaa nin madow oo la adoosan jiray qarnigii 18-aad balse markii ay ka dhiidhiyeen bulshada madow ee degmada waxaa loo bixiyay Vaughan Secondary School.

Hodan Naaleye ayaa caan ku ahayd in ay soo bandhigto sheekooyinka dhiirigalinta ah ee ku saabsan qurbajoogta Soomaaliya ee dalka Canada, iyo in ay cod siiso dhallinyarada iyo haweenka .

Waxay barnaamijkeeda TV-ga gaarka ah ka bilowday magaalada Toronto barnaamijkeeda OMNI ka hor in aysan ku dhiman qarax ka dhacay magaalada xeebeedka gobalka Jubbada Hoose ee ismaayo sanadkii 2019-ka.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi _Kenya

Category