Isla xisaabtan iyo Cafis: Keebaa la gudboon Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya

Xilli magaalada Jigjiga ay tageen saraakiisha jabhadda ONLF ee muddada u dagaalamaysay sidii isbedel uu uga dhici lahaa Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dad badani waxay isweydiinayaan waxa xiga, madaama ONLF ay iminka u muuqato in ay saameyn ku yeelan doonto arrimaha Dowlad Deegaanka, dad badan oo lagu tuhmayo in ay dhibaato geysteenna ay wali ku sugan yihiin deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar oo dhawaan magaalada Jigjiga kula kulmay safiirka Mareytkanka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin la xisaabtanka mas'uuliyiintii hore iyo baaritaannada tacaddiyadii lagu eedeeyay iney geysteen.

Booqashada xabsiga ka dib, Mustafe ayaa mar kale ku celiyay in lasii wadi doono baaritaannada tacaddiyadii lagu eedeeyay maamulkii hore, howshaas oo uu sheegay iney hadda u soo jeedsadeen.

"Dadkii dhibaatada geystay qaar badan oo ka mid ah waa la hayaa, qaar badan oo ka mid ahna waa lagu raad joogaa. Dadkii meeshan dhibaatada ka dhaceysay geystay qaarkood waxay u baxsadeen waddamada Mareykanka, Turkiga iyo meelo kala duwan, marka waa in la iska kaashado sidii dadkaas sharciga loo hor keeni lahaa" ayuu yiri madaxweyne Mustafe.

"Dawlad Deegaanka waxaaan gacan ka siinaynaa sidii loola loola xisaab tami lahaa muwaadiniinta Maraykanka ee lagu tuhmayo in ay tacaddiyada gaysteen intii ay deegaanka ku sugnaayeen" ayuu yiri Michael Raynor oo indhihiisa ku soo arkay xabsiga Jeel Ogaadeen.

Isla xisaabtanka waxyaabihii jigjiga ka dhacay ayaa haddaba socda.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xiran, maxkamadeyntiisana ay socotaa isaga oo ay ku weheliyaan masuuliyiin sarsare oo maamulkiisa ka mid ahaa.

Dawladda iyo shacabka ayuuna ka codsaday in la cafiyo, inkastoo aan dhag jalaq loo siin.

Dadka qaar oo uu kamid yahay Ibraahim dheere oo ah guddoomiyahii jabhadii xoreynta Soomaali galbeed ayaa BBC-da u sheegay in waxa laga wada xisaabtamayo aysan aheyn dagaalkii dhex-maray Itoobiya iyo Jabahdda ONLF, balse ay tahay in laga wada xisaabtamo dhibaatooyinkii uu gaystay maamulkii fadhiyay Jigjiga.

''Khaladaadkii ay geysteen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF waa waxyabaha laga heshiiyay ee ku xusan heshiiska Asmara, balse marnaba suurtagal ma ahan in la cafiyo shakhsiyaadkii ka tirsanaa maamulkii Jigjiga ee dhibaatooyinka u geysatay dadka raydika ah'' ayuu yiri Ibraahim dheere.

Hasa yeeshee dadka qaar ayaa soo jeedinaya in cafis uu noqon karo xalka ugu habboon.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Axmed-Raage Maxamed Cusmaan oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka, aaminsanna in dadkii dhibaatada geystay la iska cafiyo, haddii la doonayo in dhibaatada laga baxo.

'' Waxay ila tahay in la iscafiyo oo wixii hore la iska ilaawo, sababtoo ah boqol sano khaladaadkii dhacayay hadii la yiraahdo ha la isla xisaabtamo, wixii dambe ee la qabsan lahaana xisaabtan ayuu ku dhamaan,' marka waxaa ila qumman in dib u heshisiin la galo, madaama nidaam dhan uu dhibaatada geysanayay''. ayuu yiri Axmed-Raage oo BBC-da lahadlaya.

Axmed-Raage ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay noqoto in shakhsi lala xisaabtamo, ay horseedi karto dhibaatooyin kale, madaama Soomaalida ay yihiin dad qaab qabiil wax ku saleeya.

Waddamada Rwanda iyo Koonfur Africa ayaa lagu xasuustaa in ay horumar la taaban karo ku gaareen hannaanka ku saabsan iscafinta, halka dalal kale oo qaar ay Afrika ka tirsanyihiinna hogaamiyeyaashii lagu eedeeyay iney tacaddiyada ka geysteen la dilay, kuwaas oo tusaale ahaan loogu soo qaadan karo madaxweynihii waddanka Liibiya Mucamar Qadaafi.

Isbaddalka maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli uu isbaddal guud ka dhacay waddanka Itoobiya, wixii ka dambeeyay markii uu xilka ra'iisul wasaaraha qabtay Dr Abiy Axmed.

 

source.BBC

 

 

Category