Itoobiya: Hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah oo lagu qabtay Addis Ababa

Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban.

Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro.

Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato.

Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250.

Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin.

"Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin" ayuu yiri Komishinka Booliska Addis Ababa.

Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa wuxuu sheegay bakhaarka hubka iyo dharka ciidanka lagu qabtay imuu u kireysnaa haweeney.

Waxay boolisku sheegeen haweeneyda bakhaarka uu u kireysnaa dadka bakhaarka iska lahaa iney uga kiresatay kaba ay ka ganacsato iny ku keydsaneyso.

Bakhaarka qalabka kale ee lagu qabtayna waxaa ka mid ah dhar ciidan oo kala duwan, astaamaha booliska iyo ciidanka u gaarka ah, dharka, koofiyadaha iyo suumanka ciidanka, katiinada daka gacmaha looga xidho iyo qalab kale oo ay ciidamadu leeyihiin.

bbhgy

Arrintan oo soo qabashadeeda ay iska kaashadeen laanta sirdoonka dalka Itoobiya, Booliska Federaalka iyo Booliska maamulka Addis Ababa waxay sheegeen iney sii wadayaan ka hortagga dambiyada noocani ah baaritaanka marka ay soo gabagabeeyaanna ay hay'adaha sharciga kiiska u gudbin doonaan.

Sida uu dhigayo sharciga u yaalla dalka Itoobiya dharka ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska ay leeyihiin iyo qalabka ay isticmaalaanba inuu shaqsi haysan karin, ka ganacsan karin isla markaana iibin karin.

bbbbbbb

Tani iyo marka uu isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Itoobiya oo majaraha dalkaasi qabtay Dr Abiy Axmed waxaa soo badanayey hubka iyo lacagaha sharci darrada ah ee dalka gudahiisa lagu qabto.

 

isha warka .BBC

Category