Jabuuti oo muwaadiniinteeda ka daad gurayneyso magaalada Diridhaba

Djibouti (RH)-Muwaadiniinta u dhashay dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, ayaa la billaabay in laga daad gureeyo halkaas maadama ay ka taagan tahay xiisad iyo qalalaaso..

Danjiraha Jabuuti u fadhiya Itoobiya Maxamed Idiris Faarax, ayaa BBC-da u sheegay in dadka ku sugan Diridhaba ay yihiin dad halkaas fasax u joogay oo soo xagaa baxay.

Danjiraha ayaa sheegay illaa 3000 oo qof oo u dhashay dalka Jabuuti ay hadda ku sugan yihiin Diridhaba kuwaasoo badi u tagay xaggaa bax iyo fasax.

Danjiraha ayaa sheegay in dadka la daad gureeyey illaa hadda ay gaarayaan kun iyo boqol kuwaasoo lagu qaaday gaadid basas ah iyo diyaarado.

Danjirah ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dad u dhashay dalka Jabuuti oo lagu dilay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, kuwaasoo tiradooda uu ku sheegay illaa shan qof.

Danjiraha aya xusay in dadka Jabuuti ee ku nool Itoobiya lagu wargaliyey in ay taxadar muujiyaan isla markaana ay xiriir la sameeyaan safaaradda Jabuuti ee Addis Ababa iyo qunsuliyadda Jabuuti ee Diridhaba.

Xaaladda Diridhaba ayaa maalintii labaad deggan iyadoo magaaladaas ay ka dhaceen qalalaaso ay dad ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category