Jabuuti oo xil sare u magacowday orod-yahanka Maxamed Faarax

Jabuuti (RH)-Orodyahanka u dhashay dalka Britain balse asal ahaan Soomaali ah Mo Farah ayaa loo magacaabay safiirka Waaxda Dekadaha iyo Aaagagga Xorta ah ee Jabuuti, kaddib markii ay Jabuuti dekadda dalkaasi u beddeshay degmo ganacsi.

“Waxaan ku faraxsannahay inuu Mo Farah nagala soo qeyb galo dib u habeynta Dekadda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in mudane Mo uu noqdo safiirkeenna waxayna rajeyneysaa inay mustaqbalka kala shaqeyso mashaariic.” Ayay waaxdu ku soo qortay barteeda Twitter-ka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo daah furay munaasabadda dib u habeynta dekadda ayaa sheegay in dekaddaasi laga dhigi doono degmada ganacsiga Bariga Afrika.

Xiggasho: BBC

 

Category