James Swan oo Muqdisho ka dagay

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa tagay magaalada Muqdisho .

Diblumaasigaan oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa 30-kii Bishii May ee sannadkaan 2019 loo magacaabay jagadan waxa uuna khibrad dheer u leeyahay dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya oo uu Qamada Midoobay uga soo shaqeeyey.

Shaqadii ugu horraysay ee uu Soomaaliya ka qabto ayaa laga joogay 25 sano waxa uuna soo noqday ergayga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994 ilaa 1996.

Waa kuma ninka loo soo magacaabay wakiilka gaarka ah ee xog hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya?

Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka.

Mr Swan ayaa sidoo kale loo xushay inuu noqdo madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya.

Ninkan ayaa baddali doona danjire Nicholas Haysom oo u dashay dalka Koonfur Afrika, kaasoo xog hayuhu uu si weyn uga mahad celiyay howshii uu xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ka qabtay intii uu shaqada hayay.

Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka.

Mr Swan ayaa sidoo kale loo xushay inuu noqdo madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya.

Ninkan ayaa baddali doona danjire Nicholas Haysom oo u dashay dalka Koonfur Afrika, kaasoo xog hayuhu uu si weyn uga mahad celiyay howshii uu xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ka qabtay intii uu shaqada hayay.

Mr Haysom ayaa Soomaaliya ka tagay ka dib markii ay ka eriday dowladda Soomaaliya, oo ku eedeysay inuu ku xad gudbay howlaheeda khaaska ah.

Waa kuma James Swan?

War saxaafadeed lasoo dhigay bogga uu internet-ka ku leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay soo xulashada wakiilka cusub.

Mr. Swan ayaa lagu qeexay inuu yahay diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Mareykanka.

Wuxuu horay u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

War saxaafadeedka Qaramada Midoobay ayaa lagu yidhi: "Mr Swan waxa uu khibraddiisa shaqo inteeda badan ku qaatay waddamada qaaradda Afrika, wuxuuna wajahay xaalado adag oo siyaasadeed iyo xilliyo kala guur ah. Waxa uu Danjiraha Mareykanka u fadhiya Koongarada Dimuqraaddiga ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2016-kii, wuxuu sidoo kale ahaa wakiilka khaaska ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2011-kii ilaa 2013-kii, halka Danjiraha Jabuuri uu ahaa intii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2011-kii".

Xirfaddiisa shaqo xilligeedii hore, Mr Swan wuxuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xog hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika laga billaabo 2006-dii ilaa 2008-dii.

Waxa uu sidoo kale muddo hal sano ah oo u dhaxeysay 2005-tii ilaa 2006-dii soo noqday Agaasimaha Afrika ee hay'adda sirdoonka iyo cilmi barista ee Mareykanka.

Mr Swan ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah, Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Halkan Hoose ka daalaco wareysi ay BBC Somali la yeelatay Danjire Swan, markii uu ahaa wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Waxa uu markaas ka hadlayay arrimaha la dagaallanka Al-Shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa xilligaas sheegtay inay 30 milyan oo dollar ku bixinayso ciddii soo sheegta warar lagu soo qaban karo madaxda sare ee xarakada al-Shabaab.

Haddaba Danjire James Swan, oo dowladda Mareykanka u qaabbilsanaa Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliag ee BBC waxa uu fasirayaa lacagta dowladda Mareykanku ay ku yaboohday.

Ambassador Swan: Marka horre aan kala cadeeyee ma ahan waxan waxa loo yaqaan Bounty ee waa barnaamij loo yaqaan dhiirigelinta cadaaladda, oo ujeedadiisu tahay, in la helo macluumaad la xiriira meesha ay ku sugan yihiin shaqsiyaad masuul ka ahaa falal argagaxiso.

Macluumaadkaas oo loo adeegsan karo in la sugo caddaaladda, taasi oo micnaheedu yahay in la soo qabto, la xukumo, marinkooda la marsiiyo iyada oo sharciga la waafajinayo.

BBC Somali: Inkastoo madaxda alshabaab qaarkood ay aad isu qariyaan haddana dadka magacyadoodu liiskina ku jiran w axaa ka mid ah qaar aan dhuumasho ku jirin, oo mar walba ku dhexjira dadka ku sugan goobah ay iyagu gacanta ku hayaan. Markaa waxaa la is weydiin karaa maxaa lacag loogu bixinayaa intaa la eg in la soo sheego qof dadkiisa isaga dhexjira oo la ogyahay?

Ambassador Swan: Waxa aan dooneynaa waxa weeye macluumaad noo sahla in dadkaasi la soo qabto.haddii macluumaadkaasi yahay mid si sahlan lagu heli karo. Waxaa laga yaabaa inay soo dedejiso, in warkii loo baahnaa la helo, waxaa loo baahan yahay in la xusuusnaado in dadkan ay yihiin dad madax sare ka ah alShabaab, oo aan wada ognahaya inuu yahay urur argagaxiso oo manaxe ah. Sanadkan horraantiisii waxa uu si cad u shaacisay inay isbahaysi la leedahay alQaacidda. Waxay fulisay weeraro fara badan oo lagu qaaday dad rayid ah oo Soomaaliyeed, qaar nabadadda ka shaqeeya, saraakiil dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Waxa kale oo weeraro ay ka fulisay meelo kale oo gobolka ka tirsan. Waxaan aan u daneyneynaa inaan dhinacyo kale kala shaqeyno si loo xaqiijiyo in nimankaas caddaaladda la marsiiyo.

BBCSomali: dowladda Soomaaliya waxay dhawr jeer horrey sheegeen inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan alShabaab hadday dagaalka joojineyso. Marka idinku ma kala tashateen amsuuliyiinta Soomaalida inta aadan go'aankan gaarin?

Ambassador Swan: Dowladda Soomaalidu iyadaaba war ay ku taageereyso go'aankeena soo saartay, aad ayaan ugu kalsoonahay in barnaamijkan uu heysto taageero, laakiin waxaan rabaa inaan caddeeyo in barnaamijka dhiiri gelinta caddaaladdu uu yahay hal qeyb oo ka mid ah hawl aad uga weyn iyada oo tifaftiran oo la rabo in looga tkahaluso khatarta alShabaab.

Waa dadaal Afrikanku horseed ka yahay taas oo uu fulinayo hawlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, oo guulo waaweyn ka soo hooyaydagaalka ay kula jiraan alShabaab, iyagoo la kaashanaya ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo Soomaaliyeed oo ka qeybqaadanaya sidii Shabaab loo bahdili lahaa. Marka taasi waa dhinaca militeriga ee Afrikaanku hoggaaminayo.

Waxaa kale oo jira dadaal looga xirayo Shabaab ilaha dhaqaaluhu ka soo galo, waxaa ka mid ah go'aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu gaaray Febraury 20 ee lagu mamnuucayay dhoofinta dhuxusha oo il dhaqaale oo muhiim ah u ahayd alShabaab. Arrintaasna waa xagga dhaqaalaha.

Waxaa kale oo jira dadaal siyaasadeed oo la doonayo in hab ka mustaqbal fiican, kana fursado badan nidaamka Shabaab laga hirgeliyo dalka iyada oo loo marayo nidaamka road map-ka, kaas oo aan dhammaanteen si xoog leh uga shaqeyneyno in aan ku taageerno madaxda Soomaalida ee damacsan in laga gudbo xilliga ku meel gaarka August 20. Marka barnaamijkan dhiiri gelinta caddaaladdu waa qeyb ka mid ah dadaalka guud ee lagu bahdilayo al-Maadaama ciidamada Afrika ay dhul badan ka qabsadeen Shabaab, haddana Mareykanku uu lacagtan ku ballanqaaday ciddii soo sheegta halka ay joogaan, ma waxaad u malaynaysaa in Shabaab wakhtiga u haray uu yar yahay?

Ambassador Swan: Waxay ila tahay in Shabaab wakhtigu ku xun yahay, dhul badan ayaa laga qabsaday, waxaa muuqata in madaxdoodu ay baxsad yihiin hadda. Waxaase intaasi oo dhan kasii muhiimsan in dadka Soomaaliyeed aysan rabin al-Shabaab. Dadka Soomaaliyeedna waxay annaga noogu muuqdaan kuwo ku soo daalay maamul xukun khlafsa.

Waxay karaahsadeen madax goynta iyo dhagax ku dilidda iyo cadadaadiska bulshada. Waxaa noo muuaqata in Shabaab ay daciiftay xarako ahaan, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay tageerada Shacabka. Taas micnaheedu maahan inaysan weli khatar ahayn, waxaan u baahanahay inaan aad u feejignaano, waxaan aragnaa in Shabaab ay wali siku dayayso hawlaheeda argagixiso, waana inaan ka digtoonaano, laakiin xarako ahaan waxaan aragnaa inay sii wiiqmeyso iyadoo ay meesha kala wareegayo isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka socda.

BBC Somali: Xagga siyaasadda haddaan wax kaa weydiiyo ma ku qanacsan tihiin sida ay u socdaan hawlaha siyaasadeed ee hada socda ee la doonayo in looga gudbo xilliga KMG.

Ambassador Swan: Madaxda Soomaalida, Afrikanka iyo beesha caalamkaba waxaa aad la isugu raacsan yahay in xilliga KMG ah ku dhammaado 20 August, waxaan ku faraxsanahay in saxiixayaasha road map-ka ay fariisteen Addis Ababa 23 bisha May, oo ay ku heshiiyeen qoddobo dhawr ah oo lagu xaqiijinayo in laga gudbo xilliga KMG.

Hawl badan ayaa weli harsan, ma ahan in wakhti lumo, saacaddu way socotaa, farriinta aan u direyno dhinacyada Soomaalida oo dhan inay muhiim tahay in qof walba uu guntiga dhuuqsado oo ay u dhug lahaadaan oo ay horey u dhaqaaqaan si loo dhameystiro hawshan aad muhiimka u ah ee looga gudbayo KMG bisha August 20.

 

source.BBC

Category