KOLDING: Waxaa Sabtidii magaalada Kolding lagu qabtay munaasabadda sannadlaha ah ee Stafet For Livet, oo ah olole lagu taageerayo dadka uu saameeyey cudurka kansarku, laguna ururiyo dhaqaale loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah kansarka.
Munaasabadda oo lagu qabtay Borchs Gård waxaa ka qayb galay 24 kooxood oo ay ka koobnaayeen 355 qof.
Ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen taageeradooda ku aaddan arrinta kansarka, iyagoo socod iyo orod ku marayay wareegyo kala duwan, inkastoo roob uu da'ayay muddo afar saacadood ah.
Sida uu sheegay guddoomiyaha munaasabadda, Carsten Hansen, roobku ma uusan dhaawicin niyadda ka qaybgalayaasha, dareenka wadajirka ah iyo rabitaanka ay u qabeen inay sii wadaan wareegyada ilaa dhammaadka.
Maalinta ayaa ku bilaabatay xaflad furitaan ah, waxaana wareegga ugu horreeya bilaabay dadka loo yaqaan “Fightere”, kuwaas oo xirtay funaanado jaalle ah. Waxaa ka daba yimid ehellada iyo xubnaha kooxaha ka qaybgalaya.
Fiidkii dambe waxaa la qabtay xafladda “Tænd et lys”, oo ah xaflad lagu shido nalal ama shumacyo laguna xuso dadkii kansarka u geeriyooday.
Kooxda heesaha ee SoLong ayaa iyaduna munaasabadda ku soo gabagabaysay heeso.
Roobka awgiis, bacihii nalalka ee ay ku qornaayeen farriimaha xusuusta iyo hambalyada ayaa lagu diyaariyey teendhada INFO, si aysan roobku u dhaawicin, ama aysan u dhicin.
Munaasabadda ayaa lagu ururiyey in ka badan 200,000 oo karoon, kuwaas oo laga helay lacagaha ka qaybgalayaasha, deeqaha iyo barnaamijka “Tænd et lys”.
Sida ku cad xogta Stafet For Livet, munaasabaddan waxay isku darsataa lacag ururin iyo wacyigelin ku saabsan kansarka, iyadoo diiradda lagu saarayo saddex qodob oo muhiim ah: wadajir, wacyigelin iyo lacag ururin, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kansarka.