Kenya oo soo bandhigtay magacyada iyo sawirada lix ruux oo ku luglahaa weerarkii Nairobi

Booliska Dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawiro dhalinyaro la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada ilaa lix ruux oo la sheegay inay yihiin dadkii ku lug lahaa weerarkii ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen.

Magacyada lixda Ruux ee lasoo bandhigay sawiradooda ayaa lagu kala sheegay

1- Didu Maxamed Fujija “Duktur”

2- Xuseen Aadan Xuseen “Etto”

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dhamaan dadkaasi ay ku raad joogaan, iyaga oo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan laamaha amaanka dalka sidii dadkaasi loosoo qaban lahaa.

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard oo kasoo baxa Kenya waxa uu ka soo xigtay Booliska dalkaasi in raggaasi oo ka soo jeeda magaaladda siyeelow la sheegay inay Al-Shabaab ku  biireen labo sanno ka hor, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya.

 

source.Caasimada.com

Category