Khasaarihii ka dhashey rabshadihii Itoobiya oo la shaaciyey.

RH:Adis-ababa.  Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay rabshadihii xooganaa ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogashadii loo geystay Haacaaluu hundeessa oo ahaa fanaan caanka ah wadankaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska deegaanka Oromada, Girmaa Galaan ayaa sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen 166 ruux, isla markaasina ay  waxyeelo soo gaadhay 167 kale.

Girmaa Galaan ayaa xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ay xidheen intii ay rabshaduhu socdeen iyo kadibba illaa 1,084 qof, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Dhimashada ayuu sheegay inay timid, kadib rasaas ay ciidamada ammaanka ku fureen dibad-baxayaasha iyo sidoo kale isku dhacyo dhex-maray dibad-baxayaasha iyo Booliska.

Xaaladda Itoobiya ayaa labadii maalmood  ee u dambeeyey aheyd mid deggan, balse waxaa wali  jidadka Caasimada Addis Abab ku sugan ciidamo lagu daadiyey.

 

Category