Kiiskii Caasha oo go'aan ka gaaristiisa dib loo dhigay

Garoowe (RH)- Maxkamadda Racfaanka gobalka Nugaal ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah dib u dhigtay go'aan ka gaarida kiiskii Caasha Ilyaas Aadan oo billowgii sannadkan lagu kufsaday lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobalka Mudug.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markale berri maxkamadda ay dhageesan doonto kiiska lagu heesto raggan saddexda isla markaana ay filayaana in go'aan lagagaaro.

Maxkamadda gobalka Nugaal ayaa horrey xukun dil ah ugu xukuntay saddex qof halse yeeshee raggan ayaa qabsaday racfaan.

Dhinaca kale, qareen u hadlay ragga la xukumay ayaa saxaafadda u sheegay in maxkamadda racfaanka iyo tan darajada ay ka diideen in maxkamadda la keeno sheybaarka hiddo sidaha dheecaanka ee laga qaaday.
Maxkamadda ayaa berri fadhiis

Allaha u naxariistee Caasha Ilyaas ayaa ahayd gabar 12 jir ahayd, waxaana lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobalka Mudug.

Kiiska Caasha ayaa markii horre loo xiray 10 qof balse saddex qof ayaa loo xukumay.

Waa kiiskii ugu horreeyay ee Puntland ka dhaca kiiska Caa’isha Ilyaas oo ahaa mid kufsi iyo dil ah.

Dhacdadan ayaa si weyn looga xumaaday Soomaaliya, waxanaa jira baaqyo ka soo yeeray qaybaha bulshada oo ku aadan in caddaaladda la horkeeno dadka falkaas geestay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category