Kismaayo ma ka dhaqan galay go'aankii guddiga amniga

Kismaayo (RH)-Waxaa weli cakiran xaaladda Jubbaland, iyadoo xaley guddiga amniga Jubbaland oo xaley bayaan soo saaray ku sheegay in la xiray dhammaan goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo, haddii ay ahaan lahayd dhulka, cirka iyo badda.

Waxaa la dhihi karaa 100% waa uu dhaqan galay go'aanka maamulka Jubbaland, garoonka diyaaradaha Kismaayo maanta wax diyaarad ah kama soo deggin.

Berri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in magaalada ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha oo musharrixiinta tartamaya uu jiro madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday ee Axmed Madoobe, sidoo kale musharrixiinta mucaaraadka ayaa iyana sheegay in berri ay doorasho qaban doonaan

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category