Kolding oo shacabka ku casuumaysa wada-tashi ku saabsan qorshaha cusub ee cimilada

Kolding: Dowladda hoose ee Kolding ayaa shacabka magaalada ku casuumaysa kulan looga wada hadlayo tallaabooyinka cusub ee la xiriira ilaalinta deegaanka iyo wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada.

Kulanka oo loogu magac daray “Sammen om klimaet”, oo macnaheedu yahay “Si wadajir ah aan uga shaqayno cimilada”, ayaa la qabanayaa Khamiista, 17-ka Sebtembar 2026, saacadda 7:00 ilaa 9:00 fiidnimo, waxaana lagu qabanayaa Maktabadda Kolding.

Ujeeddada kulanka ayaa ah in maamulka degmada uu shacabka ka dhageysto fikradahooda, khibradahooda iyo talooyinkooda, kuwaas oo qayb ka noqon doona dib-u-cusboonaysiinta qorshaha wax-ka-qabashada cimilada ee degmada Kolding.

Kolding waxay horey u qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ku saabsan isbeddelka cagaarka ah, waxaana qorshaha hadda jira uu diiradda saarayaa arrimo ay ka mid yihiin tamarta nadiifta ah, gaadiidka iyo habka loo isticmaalo badeecooyinka.

Maamulka degmada ayaa sheegay in arrinta cimiladu aysan ku koobnayn oo keliya go'aannada ay gaaraan siyaasiyiinta iyo maamulka, balse ay si toos ah u saameyso nolol-maalmeedka dadka, sida guryaha ay ku nool yihiin, sida ay u safraan iyo waxa ay isticmaalaan ama iibsadaan.

Duqa magaalada Kolding, Jakob Ville, ayaa sheegay in degmada ay wax badan qaban karto, balse aysan arrintan kaligeed xallin karin. Wuxuuna shacabka ugu baaqay inay kulanka ka soo qaybgalaan oo ay la wadaagaan maamulka waxa ay u arkaan inay muhiim yihiin, waxa shaqeynaya iyo waxa fududeyn kara in dadka ay qaataan hab-nololeed u wanaagsan deegaanka.

Kulanka waxaa sidoo kale khudbad ka jeedin doona Svend Brodersen, oo ah milkiilaha Gram Slot, kaas oo ka hadli doona khibraddiisa ku aaddan sida loo hirgelin karo isbeddelka cagaarka ah.

Shacabka ka soo qaybgalaya waxay sidoo kale fursad u heli doonaan inay fikradahooda si toos ah ula wadaagaan siyaasiyiinta, khubarada degmada iyo wakiillo ka socda ururrada iyo bulshooyinka deegaanka.

Guddoomiyaha guddiga deegaanka, dabiiciga iyo cimilada ee Kolding, Jørn Chemnitz, ayaa sheegay in kulanku uusan ahayn meel laga filayo xalal dhammeystiran, isla markaana aan looga baahnayn qofka ka qaybgalaya inuu noqdo khabiir dhinaca cimilada ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in degmada ay doonayso inay maqasho aragtiyo kala duwan, oo ay ku jiraan dadka weli wax ka weydiinaya arrimaha cimilada, kuwa shaki qaba iyo dadka doonaya oo keliya inay fahmaan waxa bulshada Kolding si wadajir ah u qaban karto.

Kulanka “Sammen om klimaet” wuxuu dhacayaa Khamiista, 17-ka Sebtembar, saacadda 7:00 ilaa 9:00 fiidnimo, waxaana lagu qabanayaa Kolding Bibliotek.

Dadka doonaya inay ka qaybgalaan waxaa looga baahan yahay inay horay isu diiwaangeliyaan.

Category