Kolding: Wiil Soomaaliya oo mindi lagu dhaawacey

RH: Sida aanu ka soo xiganey wargeyska JV ee ka soo baxa magaalada Kolding waxaa shaley Axadii gallinkii dambe abaara saacadu markii ay aheyd15:30 ka dhacay magaalada Kolding xurguf dhex martey laba wiil oo 13 jir ah oo mid kamid ahi yahay Soomaali, kadib waxaa dhacdey in wiilkii soomaaliga ahaa caloosha lagaga jeexey shay af dhuudhan oo loo maleynaayo in uu ahaa mindi, intaas kadib waxaa la wacay booliiska oo loo sheegay in uu jiro wiil caloosha dhaawac laga gaadhsiiyey oo la rabo in dhakhso loo soo gaadho,  waxaanu booliisku sheegay in ay markiiba iyaguna sii waceen Ambulance iyo dhakhtarka degdega ah .

Markii ay goobta yimaadeen booliiskii iyo ambulance kii waxay ogaadeen in aanu dhaawucu aheyn wax sidaa u wayn waxaana loo qaadey cisbitalka  wiilkii , waxa kale oo uu booliisku sheegay markii ay wareysteen wiilkii dhibka geystay uu sheegay in  aanay ujeedadiisu aheyn in dhibkaas uu geysto balse ay aheyd hanjabaad iyo waan kugu sameyn karaa .

waxaa hada  uu Booliisku sheegay in maadaama oo ay caruurtu aad u yaryartay ay kiiska u gudbiyeeyn degmada gaar ahaan shaqaalaha qaabilsan arimaha bulshada.

goobta uu dhibkani ka dhacay ayaa aheyd xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Skovparken oo ku taal magaalada Kolding.

 

 

Category