Laba barnaamij oo cusub oo injineernimo ah ayaa laga yaabaa in laga hirgeliyo magaalada Kolding ee dalka Denmark.

RH: Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Wasiirka Cilmi-baarista, Waxbarashada iyo Dijitaalka, Christina Egelund, ay sheegtay in wasaaraddu ay hadda baarayso sidii loo suuragelin lahaa hirgelinta labadaas waxbarasho.

Labada barnaamij ayaa kala ah Industrial Design Engineering iyo Industrial Manufacturing Engineering, waxaana hindisahan si gaar ah u taageeraya Jaamacadda Koonfurta Denmark, SDU, degmada Kolding iyo hay’adda ganacsiga ee Business Kolding.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in wax looga qabto baahida sii kordheysa ee loo qabo injineerro iyo xirfadlayaal leh aqoon farsamo iyo warshadeed.

Arrintan waxaa su’aal ka weydiiyay dowladda xildhibaannada Marlene Harpsøe iyo Karina Adsbøl, oo ka tirsan xisbiga Danmarksdemokraterne, iyagoo ka tirsan Guddiga Waxbarashada iyo Cilmi-baarista ee Baarlamaanka Denmark.

Waxay dowladda weydiiyeen in la qaado tallaabooyin siyaasadeed iyo sharciyeed oo suuragelinaya in labada waxbarasho laga hirgeliyo Kolding, isla markaana degmada Kolding ay ka qayb qaadan karto maalgelintooda.

Wasiirad Christina Egelund ayaa sheegtay in sharciyada Denmark ay horey u oggol yihiin in la sameeyo waxbarashooyin cusub oo heer jaamacadeed ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxbarasho kasta oo cusub waa in marka hore la qiimeeyo, kadibna uu wasiirku oggolaadaa. Qiimeynta waxaa lagu eegaa in waxbarashadu ay faa’iido u leedahay bulshada iyo dhaqaalaha dalka, iyo sidoo kale inay waafaqsan tahay siyaasadda waxbarashada.

Qiimeyntaas waxaa sameeya guddiga RUVU, oo ah hay’adda talo-bixinta ee qiimeysa barnaamijyada waxbarashada sare ee cusub.

Dhanka maalgelinta degmada ayaa caqabad jirta.

Wasiiraddu waxay sheegtay in, sida uu sharcigu hadda yahay, degmooyinka Denmark aysan caadi ahaan maalgelin karin ama taageeri karin waxbarashada sare.

Hase yeeshee, waxaa horey u jiray xaalado gaar ah oo siyaasiyiintu oggolaadeen in la sameeyo sharci ama awood gaar ah, taas oo u saamaxday degmooyin inay taageeraan mashaariic waxbarasho oo gaar ah.

Wasaaradda Cilmi-baarista, Waxbarashada iyo Dijitaalka ayaa hadda si gaar ah u baaraysa fursadaha arrintan, si loo ogaado haddii xal sharci iyo siyaasadeed loo heli karo labada barnaamij ee injineernimada ee la qorsheynayo in laga hirgeliyo Kolding.

Haddii la oggolaado, labada waxbarasho waxay qayb ka noqon karaan dadaallada lagu xoojinayo waxbarashada injineernimada iyo baahida shaqaale xirfad leh ee gobolka Koonfurta Denmark.

Category