Laba gabdhood oo Soomaali ah oo ku guulaystay doorashooyin ka dhacay Maraykanka

St Louis Park (RH)-Naadiya Maxamed iyo Safiya Khaalid ayaa ku guulaystay doorashooyin ka dhacay dalka Maraykanka.

Safiya Khaalid ayaa ku guulaysatay kursiga golaha deeganka ee magaalada Lewiston ee gobalka Maine.

Naadiya Maxamed ay ka mid noqonaysa xubnaha golaha deeganka magaalada St Louis Park ee Minnesota.

Labadan gabdhood ayaa da'dooda waxa ay tahay 23-sanno jir ah.

Naadiya ayaa ku guulaysataya 63% codeyntii koowaad iyadoo ka guulaysatay Joseph Israel oo helay isna 36%. waxa ay beddeli doontaa Thom Miller, oo doorashadan ka qaybgaleynin.

Waa gabdhihii ugu horreyay ee Soomaali ah, muslim iyo Afrikan oo ka mid noqda golayaasa deegaanka ee dalka Maraykanka.

 Safiya Khalid

Naadiya bisha December ee soo socota waxa ay ka qalin-jabin doonta Jaamacadda.

Soomaalida ku nool magaalooyinka St Louis iyo Lewiston ayaa soo dhaweeyay guusha gabadhahan da'da yer.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category