Maamulihii Salaama Bank Somaliland oo geeryoodey iyo tacsi loo dirayo

Hargeysa: Waxaa maanta dalka Turkiga ku geeryoodey Mohamed Ibraahim oo ahaa maamullihii Salaam Bank qeybta Somaliland , waxaanu ugeeryoodey xanuun kusoo boodey oo dalka dibadiisa loogu qaadey. 

Hadaba  waxaa  isaga oo ka tiiraanyeysan tacsi nasoo gaadhsiiyey Maamulaha Zakia Fishing Company Ismaaciil Siyaad Cabdi oo isaga oo ku hadlaya magaciisa ka maamulka iyo shaqaalaha Zakiya  Fishing CO,  Ilaahey uga baryey in uu naxariistiisa iyo janatul Firdaws ugu deeqo marxuumka qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo Iimaan kasiiyo. Aamiin.

InaalLilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Category