Madasha Wada-Tashiga Somaliland Oo Ku Baaqay in Doorashooyinku Wakhtigoodii ku Qabsoomaan

Hargeysa(RH)Madasha wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa ka digay in la carqaladeeyo doorashada uu ifaafalaheedu soo muuqdo ee golaha wakiilada.

Madasha wada tashiga Somaliland sidaasi waxay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen oo u dhignaa sidan:- "Dhaqan soo jireen ah ayay noqotay in markasta oo doorashadu soo dhawaato, goleyaasha dawladu xaalad abuur sameeyaan, si korodhsiimo aan sharci ahayn u samaystaan, arrinkaas oo khilaafsan distoorkii umaddu ku heshiisay, dalkana khalkhal iyo wareer gelinaya, dhaawacayana himilada dad badan oo filayay in la doorto waxna doortaan.

 

Sidaas darteed iyadoo madashu hore uga digtay muddo kordhin dambe oo abaal looga dhigo goleyaal gudan waayay xilalkii umadu u igmatay oo soo toosa maalinta ay dareemaan in korodhsiimadoodu gabaabsi tahay. Waxay madashu halkan ku sheegaysaa arrimahan soo socda

 

Waa in doorashadu ku dhacdaa xilligii heshiisku ahaa Iyadoo goleyasha qaranka iyo asxaabta qaranka oo hantida umaddu ku baxdo ay arrinkan wadaagaan, haddana masuuliyada u weyni waxay saarantahay hay’adaha fulinta iyo madaxweynaha

Waxaynu ognahay in muddo xilleedkii golaha wakiiladu dhammaaday 2010 oo ay sharci darro ku fadhiyaan oo sifo sharci darro ah ku qaataan mushaharo iyo hanti umadeed.

 Marka mudadii la cayimay la gaadho waxa bulsho weynta la gudboon inay xaqooda distooriga ah sifo kasta oo sharci ah ku raadsadaan si loo tiro dhaqanka xun ee kursi jacaylka ah, muddo xilleedkii distooriga ah ee shanta sanno ah.”

 

 

Category