Madaxweynaha Eritrea oo ka dhoofay Addis Ababa

Addis Ababa (RH)- Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta oo Isniin ah ka dhoofay magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu dhammeestay booqasho seddax maalin qaadatay taasoo uu uga jawaabyey socdaalkii ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu dhawaan ku tagay magaalada Asmara, taasoo dib u soo nooleysay xiriirkii labada waddanka oo muddo 20 kala go’naa.

Madaxweynaha si aad ah ayaa loogu soo dhaweeyay Itoobiya, waxaana si buuxda loo soo celiyey xiriirkii ganacsiga iyo diplomaasiyadda ee labada dal.

Diyaaradda Itoobiya ayaa berri oo Talaado ah billaabi doonta duulimaadyadii caasimadda Eritrea ee Asmara.

Dhinaca kale, dowladda Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddeedii dayacantay ay ku lahayd magaalada Addis Ababa ee xarrunta waddanka Itoobiya

Xafladda dib loogu furayey safaaraddii ay Eritrea ku lahayd magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweyne Isaias Afwerki iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee martida loo yahay Dr Abiy Axmed Cali.

Waa markii ugu horreysay oo xukuumadda Asmara ay dib u furto safaaraddii ay ku lahayd xarrunta dalka Itoobiya 20 sanno ka dib.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category