Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya Geeska Afrika

Jabuuti (RH)- Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku jooga dalka Jabuuti, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Faransiiska ayaa saldhig ciidan ku leh dalka Jabuuti, waxaana madaxweyne Macron uu dhiggiisa Jabuuti kala hadli doonaa arrimaha ammaanka gobalka.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa hoggaaminaya wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro, la taliyayaal, maalqabeeno iyo maamulayaal kale oo hoggaaminaya shirkadaha ganacsiga caanka ka ah caalamka.

Labada madaxweyne ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa maanta kulan gaar ah ku yeelan doona qasriga madaxtooyada Jabuuti, waxaana kulankooda ay uga hadli doonaan arrimo dhowr ah oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka gobalka geeska Afrika, dhaqaalaha gobalka iyo isbaddalada ka jira waayahan geeska Afrika.

Booqashada madaxweynaha Faransiiska Gobalka ayaa qaadan doonta afar cisho, isagoo sidoo kale tagi doona waddamada Ethiopia iyo Kenya.

Madaxweyne Macron ayaa maaanta oo Talaado ah tagi doona dalka Ethiopia, halkaasoo uu kula kulmi doono ra'iisal wasaare Abiy Axmed.

Macron waa hoggaamiyaha labaad ee booqday bariga Afrika labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay caasimadda Jabuuti, waxaana ciidamo badan la geeyay garoonka diyaaradaha iyo goobaha kale ee madaxweynaha uu boqon doono.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category