Madaxweynaha JSL Oo iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Lagu Soo Dhaweeyey Addis-Ababa

Addis-Ababa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey,oo goordhaweyd gaadhay Magaalada  Addis Ababa ee Xarunta Dalka itoobiya , waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

 

Category