Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay weerarkii Nairobi

Nairobi (RH)-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay weerarkii Al-Shabaab shaley ku qaaday magaalada Nairobi.

Kenyatta oo ka hadlayey Idaacadaha la iska arko,ayaa sheegay in la soo badbaadiyay ugu yaraan 700 oo qof oo ku jiray goobtii hotelka iyo xafiisyada isugu jirtay ee Nairobi ku yaalla oo ay galeen kooxo hubeysan.

Kenyatta ayaa hadalkan sheegay isagoo khudbad Telefishanka uga jeedinayey qaranka, waxaana uu sheegay in howgalkii ciidamada ee qaatay 20-saac la soo gababeeyay lana dilay kooxdii weerarka soo qaaday.

Waxa uu sheegag inay xaqiijinayaan 14 qof in ay ku dhintay weerarka ay soo qaaday Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la soo badbaadiyay dad aad u badan oo ku jiray hotelka iyo dhismayaasha la weerarray.

Kenyatta ayaa sheegay in afka ciidda loo daray kooxdii weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ay ka hari dooninkii kooxdii ka dambeesay weerarkii hotelka Dusit iyo cid kasta oo ku caawiyey ama dhaqaale ku bixiyay.

Si kastaba, Wargeysyada Kenya ayaa saaka si weyn uga faalooday weerarkaas, waxaana bogga horre lagu soo qoray qoraallo iyo sawirro muujinaya weerarkii shaley lagu qaaday hotelka Dusit ee ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

Hotelka Dusit ee la weerarray ayaa ka kooban 101 qol, waxaana uu ka kooban yahay maqaayado, xafiisyo iyo goobo kale.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category