Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (RH)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah tegay magaalada Kismaayo oo xarrun kumeel gaar u ah maamulka Jubbaland.

Wafdiga Deni oo uu ku jiro Senator Cabdiraxmaan Faroole,waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wafdiga Puntland ka socday aya ka qaybgalay xafladda caleema saarka Axmad Madoobe oo dhacday bishii la soo dhaafay isla markaana ay dowladda federaalka ay qaadacday doorashadaas.

Dowladda federaalka ayaa toddobaadkii horre ka joojisay wafuud ay hoggaaminaayeen madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiyo ka tirsan xisbiyada Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa la filayaa in galinka dambe maanta in ay gaaraan magaalada Kismaayo.

Illaa hadda lama sheegin xilliga ay dhacayso xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category