Madaxweynaha Somaliland  Oo Safar Ugu Baxaya Dalka Ethiopia

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa inuu maalinta bariya  safar shaqo ugu Ambabaxo Magaalada Addis-Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya .

Madaxweyne  Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu  marti-qaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya sida la sheegay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo taliyaha ciidammada qaran Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.iyo Xubno kale

Category