Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Brussels

Muqdisho (RH)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Brussels ee xarrunta waddanka Belgium.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya, kaasoo daba socda shirar horrey uga dhacay London iyo Brussels.

Shirka Brussels, ayaa socon doono labo cisho laga billaabo 16-illaa 17- bishan Luuliyo, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan maamul goballeedyada iyo beesha caalamka

Shirka Brussels, ayaa inta badan diiradda lagu saari doonaa ammaanka Soomaaliya gaar ahaan qorshaha AMISOM ay uga baxayaan Soomaaliya sannadka 2019-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shirka Brussels, ku soo bandhigi doontaa qorshaha lagu sugayo ammaanka waddanka, iyadoo beesha caalamka ay iyaguna soo bandhigi doonaan qorshaha ay ugu talagaleen xilliga kala guurka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category