Madaxweyne Cagjar oo difaacay go'aanka uu ciidanka ugu diray dagaalka TPLF

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa waxaa uu sharraxaad ka bixiyay ciidamo ay dowladiisa u dirtay in ay ka qeyb qaataan dagaalka gobolka Tigray.

Mustafe oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in go'aankooda uu ka dambeeyay kadib codsi uga yimid dowladda dhexe oo ku aadanaa in dowlad deegaannada dalka ay ka qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo jabhadda TPLF.

Waxaa uu intaa ku daray in qorshaha TPLF uu yahay inay "dumiyaan" dowladda dhexe.

"Tagitaankooda waxay la xiriirtaa baaq ka yimid dowladda dhexe gaar ahaan rai'sul wasaaraha ee ahaa in laga qeyb qaato difaaca guud ee looga hortagayo kooxda argagixisada ee TPLF oo qorshaheedu yahay inay dumiso nidaamka hadda jira," ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.

Waxaa uu intaa ku daray in ka hor inta aysan ciidamada dirin ay kala tashadeen dhinacyada ay khuseyso.

"Arrimaha noocan oo kale ah masuuliyadda waxaa leh maamulka [deegaanka]. Maamulka go'aanka uu gaaro ayaa meesha yaala, tashi haddii ay noqoto, haa waan sameeynay tashi ballaaran oo ciddii ay khuseysay waa lala sameeyay," ayuu intaa ku daray.

Mustafe Cagjar ayaa waxaa uu sharraxaad ka bixiyay ciidamo ay dowladiisa u dirtay in ay ka qeyb qaataan dagaalka gobolka Tigray

Madaxwayne Mustafe ayaa dhanka kale sheegay in dadka ka soo horjeeda in ciidamada deegaanka lo diro dagaalka Tigray ay yihiin kuwa taageera TPLF iyo dad iyagu wadaniyiin ah oo qaarkood aaminsan in aan Itoobiya qeyb laga noqon.

"Dadka noocaasi ah waxay isugu jiraan kuwa TPLF taageersan oo ah kuwa mar walba waxa ay TPLF tiraahda ku hadla iyo kuwa daacad ah oo wadaniyiin ah inta badan ku qaldama dhibaatada socota ama laga yaabo in guud ahaan-ba aysan raali ka ahayn ka mid ahaanshiyaha dalka," ayuu yiri madaxwayne Mustafe.

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in dagaalkan uusna ahayn mid u dhaxeeya labo qowmiyadeed ee uu yahay mid u dhaxeeya dowladda dhexe iyo TPLF.

"Kooxda TPLF taageerta ee Soomaalida ee kuwii deegaanka maamuli jiray iyo kuwa la mid ah waxay aad u jecel yihiin in arrintan ay ka dhigaan mid u dhaxeysa Amxaaro iyo Tigree. Qaabka ay u dhigayaana waa qaabka ay Tigreegu jecel yihiin in loo dhigo. Bil-xaqiiqa dagaalkan waa dagaal dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ururka TPLF u dhaxeeya," ayuu intaa ku daray.

Mustafe ayaa waxaa uu xusay in ciidamada deegaanka Soomaalida ay ka mid yihiin ciidamada Itoobiya isla markaana ay mushaarkooda bixiso dowladda dhexe ayna tahay in difaaca dalka ay ka qeyb qaataan.

"Haddii ay tahay maxaa loo diray ciidankan, waxaan ku ogeysiinayaa in ciidankan naftigiisa cidda mushaarka siisa ee miisaaniyada u qabata ay tahay dowladda dhexe ee dalka," ayuu yiri Mustafe.

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay direen uusna ahayn ciidan wax u dhimaya howlihii amniga ee ay ka hayeen deegaanka oo aysan kaalintooda banaanaan doonin.

"Ciidanka aan dirnay sida aan hadda kuu sheegay ciidan wax wayn u dhimaya ilaalinta guud ee deegaankeena ma ah. Marka aan tiro ahaan kuu sheego waa ciidan ka qeybgal ahaan loo diray oo ka dhex muuqanaya deegaanada kale ee howlshaas qaran loogu yeeray." ayuu yiri,

Hadalka madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli uu horey rai'sul wasaare Abiy Axmed uu ugu baaqay dowlad deegaanada dalka in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah

Colaadda Tigray

Jabhad iska caabin oo la magac baxday Tigray Defence Forces (TDF), ayna ka mid yihiin dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale ayaa dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa oo duullaanka qaaday 4-tii November 2020 ayaa maalmo kooban gudahood ku qabsatay caasimadda Mekelle.

Balse xoogga Tigray ayaa si layaab leh ugu soo rogaal celiyay ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ee is bahaysanaya.

17-kii June, xooggada TDF ayaa qaaday duulaan dhinacyo badan leh, waxaana ay shaaciyeen inay cagta mariyeen qeybta sideedaad ee ciidamada milateriga Itoobiya, sheegashadaas oo ay beenisay xukuumadda Addis Ababa.

Xiggasho: BBC

Category