Madaxweyne ku xigeenka Jsl Oo Soo Xidhay Shirweynihii Hay’addaha Maaliyadeed Ee Dalka

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo xidhay Shirkii lagu gorfaynaayey horumarinta hay’addaha maaliyadeed ee dalka, shirkani oo uu labadii casho ee u danbeeyey ka socday magaalada hargeysa ayaa lagu gorfanayey nidaamka hay’addaha maaliyada ee ka hawl gala Somaliand sida Shirkadaha iyo Baananka.

 

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibrahim Jaaamac (Baqdaadi) oo halkaasi ka hadlay ayaa akhriyey qodobadii muhiimka ahaa ee kasoo baxay shirkaasi uu maalintii shalay ahayd daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo laysugu keenay aqoonyahano fara-badan kuwaasoo naaqishay hannaanka Baananka iyo Shirkadaha Maaliyada ee ku sugan Somaliland, waxaana uu Gudoomiyahu Warbaahinta la wadaagay maxsuulka kasoo baxay shirkaasi oo ka koobnaa dhawr qodob.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wada tashi laga yeesho horumarinta guud ahaanba dhaqaalaha waddanka si kor loogu qaado nolosha muwaadiniinta Somaliland, sidoo kalena loo korin lahaa guud ahaanba dhaqaalaha waddanka.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan saylici waxa uu fariin u diray Shirkadaha waa weyn ee dalka kuwaasi oo uu ugu baaqay inay sameeyaan maalgashiyo waa weyn oo warshadeed, islamarkaana ay abuuraan shaqo abuur dhalinyaro si looga hortago shaqo yarida dhalinyarada Somaliland haysa.

Category