Masuuliyiintii dowladda ee loo diiday dal ku galka Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii xaley ku hoydeen garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Mas’uuliyiinta dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka Cismaan Ibraahim Libaax iyo labo xubnood oo ka tirsan aqalka sare kuwaasoo kala ah xildhibaan Ilyaas Cali Aadan iyo Xildhibaan Zamzam Daahir.

Xildhibaan Ilyaas ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in ay dib ugu soo laabteen Muqdisho dibna uu ka faah-faahin doono wixii xaley ku qabsaday garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa kor u qaaday khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo horrey labada dal ay kala noqsadeen danjirayaashii u joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi in kastoo dib loogu celiyay meelihii ay kala joogeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay ka hadasho arrintan balse ilo xog ogaal ayaa sheegay in arrintan dowladda ay rabto in arrintan si hoose loo xalliyo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category