Maxaa looga faa'ideysan waayay deeqaha waxbarasho ee Jaamacadda Jigjiga

Jigjiga (RH)-Jaamacadda Jigjiga ee dowlad deeganka Soomaalida ayaa sheegtay in aan laga faa'ideysan deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda Soomaalida.

Hormuuadka Jaamacadda Dr. Bashiir Cabdullaahi oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in sannadkii horre 2021-kii DFS ay siiyeen deeq waxbarasho oo gaareysa illaa 120 arday, laakin aan laga faa'ideysan, sida uu sheegay.

Waxa kale oo uu sheegay in sannadkan maamulka Jaamadda ay deeq waxbarasho oo gaareysa illaa 30 arday ay siiyeen maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii Mustafa Cagjar uu ballanqaadkaas u sameyeay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafgareen oo dhawaan tegay Jigjiga.

"Sannadkii horre dowlad deeganka Soomaalidu waxa ay ugu deeqday Soomaaliya gaar ahaan maamul goballeedyada 120 fursadood oo deeq waxbarasho ah oo ay ku jiraan Master dgree"ayuu yiri Dr. Bashiir Cabdullaahi.

Fursahada deeqaha waxbarasho ee loo fidiyay ardayda Soomaalida waxaa ku jiray taqasusyada beeraha, caafimaadka, arrimaha bulshada iyo ganacsiga iyo kuwa kale.

Inta badan ardayda ka faa'ideysta deeqaha waxbarasho ee Jaamacadda Jigjiga waxa ay ka yimaadaan deegannada Puntland iyo Somaliland.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category