Boorama (RH)-Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegay in la jabin doono qiimaha korontada ee magaalada Boorame oo markii hore ahaa 0.75.Waxa uu sheegay in qiimaha laydhku la gaadhsiin doono 0.59. Isaga oo intaas raaciyay in dabayaaqada sannadka soo socda laga dhigi doono 0.3.
Sidoo kale Madaxweyne Cirro, ayaa jabiyey qiimaha biyaha Magaalada Borama, waxaana 5-tii Foosto laga dhigay qimahooda 11 kun SLSH, halka markii hore 5-ta Foosto aheyd 15 kun oo shilinka Somaliland ah.
Boorama,markii hore qiimaha Foostada Biyaha ah waxay ahayd 3000 SL hadana waxa laga dhigay 2200 SL.
Tallaabadan ayaa daba socota kuwo la nooc ah oo lagu dhimayay qiimaha korontada ee magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Somaliland uu uu qaaday Madaxeyne Cirro.
Hadalkan ayuu sheegay madaxweynuhu isagoo hadda ku sugan magaalada Boorama, waxaana lagu wadaa in uu kulammo muhiim ah la yeelan doonaa Madaxda heer Gobol iyo kuwa Degmo, wax-garadka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal. Kulamadaasi waxa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dawladda iyo bulshada rayidka ah, iyada oo laga wada hadli doono xoojinta nabadda, wada-jirka iyo midnimada ummadda reer Somaliland.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta ka qayb gelay xaflad ay ku qalin-jabinayeen ardayd wax ka bartay Jaamacadda Camuud.

