Maxay tahay sababta ay u baxsadaan ardayda iyo askarta Soomaalida ee la geeyo Turkiga?

Tan iyo sanadkii 2011-ka markii uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyib Erdogan booqday magaalada Muqdisho, waxaa sii xoogeystay xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo xukuumadda Ankara, waxaana taas ay horseeday in Turkiga uu dhinacyo badan ka taageero Soomaaliya oo ay kamid tahay taageero dhaqaale, deeq waxbarasho iyo tababarka ciidamada.

Arday badan ayaa jamaacadaha dalka Turkiga ka helay waxbarasho lacag la'aan, balse qaar kamid ah ayaa fursadahaas u arka mid u sahli karta inay kaga sii baxaan dalkaas, si ay ugu tahriibaan qaaradda Yurub.

Weriye ka tirsan BBC-da oo dhawaan booqday magaalooyinka Ankara iyo Istanbul ayaa halkaas kula kulmay arday Soomaali ah oo xilligaas ku guda jiray sidii Yurub ay ugu tahriibi lahaayeen.

Mid kamid ah ardayda Soomaalida ee deeqda waxbaraho ka helay Dowladda Turkiga, balse magaciisa ka gaabsaday ayaa BBC-da u sheegay in qorshihiisu yahay sidii uu Turkiga uga tahriibi lahaa.

Ardaygan o xilliga aynu la kulanay wacayay dad ay saaxiibo yihiin oo horay u tahriibay, haddana ku sugan Yurub ayaa waxaa uu ka wareysanayay waddooyinka la maro iyo qaabka loo tahriibo.

"Waxbarasho ayaan dalka kusoo galay, balse maalmahan waxaan rajeynayaa sidii aan uga bixi lahaa oo waxaan rabaa in aan aado Yurubta lagu sii yaacayo, sababtuna waxay tahay mar haddii ay noolashada caqabad ku timaado, dantu waxay kugu qasbeysaa sida aysan ka fursaneynin in aad ku dhaqaaqdo", ayuu yiri ardaygaas oo la hadlayay BBC-da.
Lahaanshaha sawirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya

Wuxuu sheegay in haddii xitaa uu wax ka barto Turkiga, dibna ugu laabto Soomaaliya ay adag tahay in uu shaqo helo, taasina ay ku dhalisay in uu noolal u raadsado dalalka Yurub.

Qaar badan oo kamid ah ardaydan oo dhib u maray helitaanka deeqda waxbarasho ayaa BBC-da u sheegay in markii hore ay moodayeen in ay waxbaran karaan, gelinna ay ka shaqeysan karaan dalka Turkiga, waxaa se ay qirsan yihiin fursadda ay beerdareynayaan.

"Fursad aysan ardayda kale helin ayaa khasaarinayaa, balse sabab ayaa igu kaliftay", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Arday badan oo Soomaali ah oo horay uga tahriibay Turkiga ayaa laga soo qabtay xadka dalka Turkiga uu la wadaago Giriigga, kuwaas oo dib loogu celiyay magaalooyinkii ay ka tahriibeen.

"Waa arrin horta naadir ah, waxaana filayaa in laba sababood ay keeni karto, sabab waa mid saameyn dibadeed ah oo qofkaas qaraabadiisa oo dibadda joogta ay u gacan haadiyaan oo ay yiraahdaan imaw, sababta labaadna waa saameyn kaga timaada saaxiibo iyo dad ay is yaqaanaan oo soo booqda dalka Turkiga," ayuu yiri Cabdicasiis Sheekh Cabdiraxmaan oo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha waxbarashada, hidaha iyo dhaqanka.
Lahaanshaha sawirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya

Ardayda oo keliya ma ahan dadka ka tahriiba Turkiga ee aada dalalka Yurub ee waxaa sidoo kale ku wehliya askarta dowladda Soomaaliya ee tababarka loo geeyo dalkaasi, kuwaas oo marka ay dhameystaan tababarka ka dhuunta xeryaha lagu hayo.

Laba xidigle kamid ahaa ciidamada kumaandoosta Danab ee Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday, laguna tababaray dalka Turkiga, haatanna ku sugan wadanka Sweden ayaa kamid ah saraakiisha u dhuuntay Yurub.

Sarkaalkan ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo markii dib loogu celiyay Soomaaliya uu markale kusoo laabtay Turkiga, halkaasina uu kasii tahriibay, kadib markii sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ay daryeeli weyday.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya

"Xilkeyga wuxuu ahaa laba xidigle ka tirsan ciidanka Danab, tababarka aan qaatayna wuxuu ahaa sida madaxda loo ilaaliyo oo aan ka bartay kulliyadaha dalka Turkiga, waxaa igu kallifay in aan soo tahriibo ayaa ahinay jiraan dhibaatooyin ila soo darsay oo ay kamid yihiin dhinaca cadowga, dhinaca dowladda, waxaana laga yaabaa in qofka marka uu tego garoonka uu isaga soo qaato baabuur oo uu isa soo dabaro", ayuu yiri askarigaas horay uga tirsanaa ciidanka Danab balse hadda ku sugan dalka Sweden.

Wuxuu intaa raaciyay in mararka qaar ay dhacdo in qofka takhasuska uu soo bartay aanan la geynin, wuxuna yiri: "waxaa laga yaabaa in qofka isagoo soo bartay kumandoos la geeyo caafimaadka ciidamada oo kale".

Hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisay inay jiraan askar ka baxsatay xeryaha ee dalka Turkiga oo u tahriiba Yurub.

"Inta aan ogahay maba jiraanba, ciidanka maanta maalin uu ka fursad fiican yahay ma jiro, nin sarkaal sheeganaya oo baxsanaya anigu ma ogi, waxaana ciidankeenu ay inaga jiraa oo aan u dirnaa dalalka Talyaaniga, Mareykanka iyo wadamo kale", ayuu yiri Maxamed Cali Bariise oo ah taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo sadhig milateri oo aad u weyn ku leh magaalada Muqdisho ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa ay tababartay dhowr kun oo askari oo isugu jira kumandoos, taliyeyaal ciidan iyo askar milateri, kuwaas oo intooda badan dib ugu laabtay Soomaaliya, qeybna ka qaatay dagaalka ay dowladda kula jirta Al-Shabaab, waxaase muuqata in qaar kamid ah askarta tahriibta ay luminayaan fursad ay dowlddaha Soomaaliya iyo Turkigaba u arkaan in lagu xasilin karo dalka, loogana adkaan karo Al-Shabaab.

ISHA: BBC

 

Category