Maxay tahay ujeedada safarka Maxamed Bin Salman ee dalka Qatar?

DUBAI — Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa maanta oo Isniin ah bilaabaya booqasho uu ku tagayo dalalka Khaliijka Carabta, kahor shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dalalka Khaliijka ee dabayaaqada bishan.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa booqan doona dalalka Cumaan, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qatar iyo Kuwait, sida uu sheegay telefishinka Al Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, iyadoo dalkaa Cuman uu ku tagi doono lugta koowaad ee socdaalkiisa.

Safarka Maxamed Bin Salman ee dalka Qatar ee ay deriska yihiin ayaa dhinaca kale noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku tago tan iyo markii Riyadh iyo xulafadeeda Carabta ay cunaqabateyn ku soo rogeen Doha bartamihii sanadkii 2017, taasoo la xaliyay bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Socdaalkaa Dhaxal-sugaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan wadahadallo muhiim ah oo looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo heshiiska Nukliyeerka ah ee u dhexeeya Iran iyo reer Galbeedka.

Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo muddo dheer xafiltan kala dhexeeyay Iran ayaa billaabay wadahadllo toos oo ah la yeeshaan Tehran, si ay u xakameyaan xiisadaha gobolka iyadoo dhinaca kale Washington iyo Tehran ay dib u soo nooleynayaan heshiiskii nukliyeerka.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa billaabay socdaalkiisa gobolka isla maalinta oo la filayo in la-taliyaha sare ee amniga qaranka Imaaraadka uu booqdo Iran.

xigasho VOA

Category