Mid ka mid ah dhallinyarada caanka ka baraha bulshada oo geeriyootay

Nairobi (RH)-Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya, ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ku geeriyootay mid ka mid ah gabdhaha caanka ka ah baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok.

Gabadha geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray Munisha Mustafa, waxaana ay ku nooleed magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Gabadhan ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay wadadda u dhexeysa magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, sidaas waxaa Radio Hormuud u sheegay mid ka mid ah weriyayaasha ku nool Nairobi.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in shilka gaari ay ku dhintayn shan wiil.

Geerida Munish iyo sawirradeeda ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Allaha u naxariisto Munish iyo dad kale ee ku dhintay shilka gaari ee ka dhacay Mombasa iyo Nairobi.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category