Mucaaraadka Soomaaliya oo taageeray mowqifka dowladda federaalka

Muqdisho (RH)-Iyadoo weli uu taagan yahay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeesa waddamda Soomaaliya iyo Kenya kuna saabsan xuduudda badda labada dal, ayaa haddana mucaaraadka Soomaaliya waxa ay taageereen go’aanka dowladda federaalka ee loogu jawaabay Kenya.

Xisbiga Wadajir oo uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku taageeray qaabka ay dowladda Soomaaliya uga jawaabtay dhaliisha Kenya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in ay taageersan yihiin mowqifka dowladda isla markaana ay garab taagan yihiin dowladda federaalka iyo ilaalinta sharciga xuduudaha iyo madax bannaanida dhulka sida lagu sheegay qoraalka./

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar been abuur ah oo sii kicinaya xiisadda labada waddan, Tusaale wargeyska The Stander ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray maqaal uu uga hadlayo in Kenya ay saddex sharuud hor dhigtay dowladda Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ka soo jawaabtay eeda ay u soo jeedisay ee ah in shirkii London dhawaan ka dhacay ku soo bandhigtay xaraashka shidaal ay lee dahay.

Seddaxda qodob ayaa kala ah:

1- Dowladda Kenya in ay ka dooneyso dowladda Soomaaliya in ay meesha ka saarto maabkii lagu soo bandhigay London ee ah xirmooyinka badda ku yaalla ee la soo bandhigay taasoo Kenya ay lee dahay si khaldan ayaa loo soo bandhigay.

2-Dowladda Soomaaliya in ay u sheegto shirkadihii laga iibiyay xirmooyinka gaaska iyo saliidda in Soomaaliya aaney lahayn meelaha muranka uu ka taagan yahay waa sida hadalka lagu qoray.

3-Iyo Kenya in ay Soomaaliya ka dooneyso in muranka badda ee labada waddan u dhexeeya lagu dhameeyo qaab ka duwan dacwadda ka socota maxkamadda caalamiga ee ICG waa sida uu qoray Wargeyska. Wararkaasi Kenya waa ay beenisay in ay sheegtay.

Dhinaca kale qoraal la sheegay inuu ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqday caro badan iyadoo la lee yahay dadka Kenya jooga ee diblomaasiyiinta waa in 72 saacadood uga baxaan Soomaaliya, ciidamada AMISOM ee Kenya in ay ka baxaan Soomaaliya, waraaqdaas waa la ogaaday waxaana ay noqotay mid aan sax ahayn.

Waxaa kaloo jiray warqad la yiri waxaa ku saaxiixnaa xisbiyada Soomaaliya oo illaa iyo toddobo qodob ayaa ku qornaa waxaana ka mid ahaa in la dhowro xiriirka labada waddan in xisbiyada siyaasadda ay soo kala dhex galaan khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Soomaaliya.

Marka waxaa iska soo daba dhacaya warar badan oo been abuur ah kuwaasoo u baahan in si dhab ah looga baarandago maxaa run ah maxaa been sababtoo ah waxaa isku eg magacyada iyo hannaanka qoraalka waxaana lagu kala saari karaa in lala xiriiro cidda soo saartay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category