Muqdisho: Booliska Soomaaliya oo soo helay gabar da' yer oo la la'aa

Muqdisho (RH)-Taliyaha booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay inay hayaan oo soo heleen gabadhii la raadineyay ee Amaal Nuur Cusmaan, oo hooyadeed dhawaan in ay ka maqan tahah.

Hooyo Amran Maxamed (Amran Xalane) ayaa horrey u sheegtay in gabadheeda ay ka maqan tahay labo bilood ah, waxayna ku eedeysay inay ku jirto gacanta ciidanka ilaalada madatooyada Soomaaliya.

Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa beeniyey hadalka horrey hooyada gabadha u sheegtay isagoo intaas ku daray in Amaal lagu soo helay baadi goob dheer oo ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliya, haatana ay dib ugu celi doonaan qoyskeedii ay mudada labada bilood ah ka maqneyd.

Gabadhaan iyo gabdha kale oo iyaga horray loo helay ayaa ka baxsaday xarun ay wax ka baranayeen oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogdishu Somalia

Category