Muqdisho oo maalintii labaad uu shir uga socdo madaxda federaalka iyo maamul goballeedyada

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad uu shir albaabada u xiran uga socdaa madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goballeedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Shirkan oo ka socda hangarka garoonka diyaaradaha ee ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka qeybgalaya madaxweyne Farmaajo, raysal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, madaxda shanta maamul goballeed iyo duqa Muqdisho Cumar Filish.

Shirka ayaa lagu sheegay in u jeedkiisa kalsooni dhisida madaxda ka qeybgaleysa iyo isku laab xaarnaantooda, waxaana loo diiday saxaafadda in ay ka qeybgasho.

Waa ay adag tahay in macluumaad badan laga helo shirka u socda sideeda nin ee kala ah madaxweynaha, raysal wasaaraha, madaxda maamul goballeedyada shanta ah iyo duqa Muqdisho.

Shirkan ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay shir looga hadlayo sidii madaxda uga hadli lahaayeen in ay xal ka gaaraan wax yaabihii ka soo laabtay heshiisyadii bishii September la gaaray iyo soo jeedintii guddiyada farsamada ee maamul goballeedyada.

Madaxda shaley waqti dheer ayaa qaateen, waxaana jira warar sheegaya in madaxdu ay is eedeenayeen oo mid kasta kan kale uu ku eedeenayay dib u dhaca iyo lug jiidida arrimaha doorashooyinka.

Maanta waxaa la filayaa in ay madaxdu xal ka gaaraan sidii loo furi lahaa shirka wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha doorashada ee waqtigeeda dib u dhacay.

Illaa hadda lama sheegin waqtiga shirkan uu soo dhammaanayo iyo xilliga uu shirka arrimaha doorashooyinka looga hadlayo uu dhacayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category