Muqdisho: Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya oo ka badbaaday qarax

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay kolanyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow xerada ciidamada ee Jeneraal Joordan ee degmada Hodan, waxaana jira qasaare soo gaaray ciidamada la socotay taliyaha sida ay lee yihiin dad goob-joogayaal ah.

Qaraxa ayaa dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo saaka magaalada uu ka da'ayay roob.

Qaraxa lala eegtay taliyaha ciidanka xoogga ayaa ahaa baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa oo uu waday nin is miidaamiye ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay wax yeelo ka soo gaartay ciidamo la socday taliyaha oo xilligaas ka soo baxay wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category