Muxamad oo ka mid noqday magacyada ugu caansan Mareykanka

Markii ugu horreysay, magaca Muxamad ayaa ka mid noqday tobanka magac ee inta badan loogu bixiyo wiilasha ku dhasha gudaha dalka Mareykanka, sida lagu daabacay bogga intarneedka CNN.

Magaca Muxamad ayaa sanadkan kaalinta 10-aad ka galay magacyada loo bixiyo wiilasha dalkaasi Mareykanka, halka sanadkii hore uu kaga jiray kaalinta 14-aad. Magacan ayaa la sheegayaa in gudaha dalkaasi Mareykanka uu sanadba sanadka ka dambeeya ka mid noqonayay kuwa aadka loo baxsado, wuxuuna sanadkii 2013 ka mid noqday 100-ka magac ee aadka Mareykanka looga baxsado.

"Qoyasaska muslimiinta ayaa inta badan wiilkooga curudka ah u bixiya Muxamad si ay u maamuusaan Nabigooda (Muxammad NNKH) isla markaana wiilkaasi u noqdo mid barakeysan," ayay tiri Linda Murray, oo ah tifaaftiraha jariiradda BabyCenter oo diyaarisa macluumaadka la xiriira carruurta.

Sida ay sheegtay Linda, magacan ayaa u qormo dhawr siyaabood, sida Maxamad, Maxammad, Muxamad iyo Muxammad, sidaa awgeedna wuxuu ka mid noqday tobanka magac ee aadka looga baxsado gudaha Mareykanka.

Waayadii hore magaca ugu caansan gudaha Mareykanka ayaa ahaa Liam oo loo bixin jiray wiilasha, kaa oo meesha ka saaray magaca Jackson oo horey loo baxsan jiray. Dhanka gabdhaha, magaca Safiyo ayaa ah kan tobankii sano ee la soo dhaafay ugu caansanaa gudaha Mareykanka.

Jariiradda BabyCenter ayaa sheegtay in xogtan ay ka heshay waalidiin gaaraya ku dhawaad 600,000 oo sanadkan 2019 magacyada carruurtooda la wadaagay jariiraddan.

Hay'adda Mareykanka ee maamusho arrimaha bulshada ayaa dhankeeda sheegtay in magaca Muxamad uu sanadkii 2000 magacyada lala baxo kaga jiray kaalinta 620 balse uu soo galay kaalinta 345 sanadkii 2018.

Magacyada asal ahaan ka soo jeeda Carabta ayay jariiraddani BabyCenter sheegtay in ay ku soo badanayaan dalka Mareykanka, maadaama bey tiri magaca Muxamad uu hadda soo galay kaalinta 10-aad marka la eego magacyada wiilasha halka magaca Caaliyah uu soo galay kaalinta 10-aad ee magacyada gabdhaha Mareykanka.

 

source.BBC

Category